4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Apr 27, 2019
Deni oo ku laabtay Garoowe saddex toddobaad ka dib


Sabti, April, 27, 2019 (HOL) – Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa dib ugu laabtay magaalada xarunta ah ee Garoowe, Sabtida maanta ah, kaddib socdaalkii ugu horreyay ee uu dibadda u aaddo oo muddo saddex toddobaad ku dhow qaatay.

Madaxweynaha Puntland ayaa 8-dii bishaan magaalada Boosaaso uga ambabaxay dalka Imaaraadka Carabta, halkaas oo u kullamo ku galay, isagoo muddadii uu halkaa joogay la fariistay , rugta ganacsiga Abu Dhabi iyo madaxda ugu sarreysa shirkadda DP World ee maamusha dekedda Boosaaso.

Deni, ayaa markii uu soo gabagabeeyay socdaalkiisa Imaaraadka ka degay Nairobi ,halkaa oo uu kullamo kula qaatay qaar ka mid ah danjireyaasha Soomaaliya oo uu kala hadlay maalgashiga, ganacsiga, amniga iy arrimaha siyaasadda,iyadoo war ka soo baxay xarunta madaxtooyadda Puntland lagu sheegay kullamada inay is afgarad ku dhammaadeen.

Sidoo kale, waxaa uu kullamo la qaatay qaar ka mid ah madaxda dowlad-gobolleedyada Soomaaliya oo Nairobi iyaguna ku sugnaa.

Socdaalka ayaa ahaa midkii u horreyay ee madaxweynaha Puntland Siciid Deni uu dibadda uga baxo Puntland ,tan iyo doorashadiisa siddeedii bishii Jannaayo ee sannadkan.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]