4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Apr 27, 2019
Xildhibaan aan lala tartamin oo lagu doortay magaalada Baydhabo

 

Sabti, April, 27, 2019 (HOL) –Xildhibaan Cali Sheekh Cabdullaahi Afgooye ayaa ku soo baxay doorasho ka dhacday maanta magaalada ee xarunta gobolka Baay iyadoo aysan jirin cid la tartantay.

Xildhibaabka la doortay ayaa  helay dhamaanba codadkii  51dii  xubnood ee Ergada wax dooraneysay, madaama musharixii kale ee la tartami lahaa uu goobta ka maqnaa.

Sayid Cali Cismaan Xuseen oo ah musharixiin kursiga kula tartami lahaa xildhibaanka guuleystay ayaa la sheegay in uu ku maqan yahay dalka Canada.

Guddiga Doorashada Madax banaan ayaa ku dhawaaqay in Cali Sheekh C/llaahi (Cali Afgooye) uu ku guuleystay doorashada.

Kursiga Xildhibaannimo ee loo doortay Cali Afgooye ayaa waxaa banneeyay taliyihii hore ee NISA Xuseen Cismaan Xuseen. 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]