4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Apr 27, 2019
Kulan ay yeelan lahaa xildhibaannada Golaha Shacabka oo u baaqday Kooram la’aan

 

Sabti, April, 27, 2019 (HOL) – Guddoonka Golaha Shacabka ayaa ku dhawaaqay in uu baaqday kulan ay yeelan lahaayeen xildhibaannada Golaha Shacabka kaddib markii ay soo xaadir waayeen tiradii loo baahnaa in uu ku furmo kulanka.

Waxaa kulanka maanta yimid oo kaliya 128 Xildhibaan ayaa soo xaadirtay, balse kuma filnaan in uu kooramka buuxsamo, maadaama laga rabay 139 in uu ku furmo.

Sababta ugu weyn ee keentay in uu baaqdo kulanka Golaha Shacabka ayaa lagu sheegay in xildhibaannada intooda badan maanta xaadireen  shirweynaha daah furka Xisbiga Himilo Qaran ee uu hormuudka ka yahay Shariif Sheekh Axmed, halkaa ay ka tagi lahaayeen xarunta Golaha Shacabka.

Maalmihii ugu danbeeyayba waxaa jiray caqabado ka hor imanayay inta badan kulamada xildhibaannada Golaha Shacabka oo marar badan oo xig xigtay u baaqday in aan la helin tiradii loo baahnaa in uu kulanku ku furmo. 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]