4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Apr 27, 2019
Sri Lanka : Rasaas la is-waydaarsaday xilli sare loo qaaday baaritaanka booliska

 

Sabti, April, 27, 2019 (HOL) – Booliska Sri Lanka ayaa sheegay inay rasaas iswaydaarsadeen koox hubaysan oo ku sugan bariga dalka xilli ciidammadu ay baarayeen dadkii ku lugta lahaa qaraxyadii Axaddii.

Afhayeen u hadlay milateriga ayaa sheegay in qarax uu sidoo kale dhacay xilli boolisku uu howlgal ka fulinayay magaalada Ampara Sainthamaruthu, ee u dhaw Batticaloa.

Howlgal kale oo laga fuliyay meel aanan halkaa ka fogeyn, ayuu boolisku sheegay in la soo qabtay walxa qarxa iyo tuute ay leeyihiin ururka la baxay Dowladda Islaamiga ah.

Goor sii horraysay ra'iisul wasaaraha Sri Lanka ayaa waxa uu sheegay in aanan la soo sheegin wax digniinna ah oo ku saabsan weerrar.

Ranil Wickremesinghe ayaa waxa uu BBC u sheegay "inuusan wax war ahba hayn" oo digniinaha sirdoonka ah ee muhiimka ah ma ay jirto cid inoo soo gudbisay.

Qaraxyo xiriir ahaa oo la soo abaabulay oo Axaddii lagu qaaday saddex hoteel oo nooca loo tamashlaha taga ah iyo saddex kaniisadood ayaa waxa ay galaafteen nolosha ugu yaraan 250 qof.

Dowladda Sri Lanka ayaa waxa ay guud ahaan dalka u daadguraysay 10,000 oo askari si loo baacsado dadkii ka dambeeyay weerrarada iyo weliba sidii lagu sugi lahaa ammaanka goobaha lagu cibaadaysto.

Mas'uuliyiinta ayaa waxa ay eedda weerrarada dusha kaga tuureen urur xagjir ah oo lagu magacaabo National Tawheed Jamath, walow ururka la baxay Dowladda Islaamiga ah uu sheegtay mas'uuliyadda weerrarada.

Waxaa aad loo adkeeyay ammaana masaajidda intii lagu guda jiray salaaddii Jimcaha, xilli Muslimiinta aanay masaajidda teginba cabsi ay ka qabaan in lagu soo qaado weerraro aargoosi ah.

Xigasho BBC