4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Apr 27, 2019
Wararkii ugu danbeeyay duqeymo cirka ah oo ka dhacay gobolka Bari

 

Sabti, April, 27, 2019 (HOL) –Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya duqeymo dhinaca cirka oo ka dhacay deegaanka Cameyra ee degmada Iskushuban ee gobola Bari, halkaasoo la rumeysan yahay in ay ku sugnaayeen kooxo katirsan ururda Daacish iyo Al-shabab oo dhowrkii bilood ee la soo dhaafay uu dagaal ku dhex marayey dhulka buuraleyda ah.

Dadka soo maray deegaanka  Timirshe ee degmada Isku-shuban ayaa sheegay in ay salaadii Jimcaha shalay kadib maqlayeen ugu yaraan 5 qarax oo xoog weyn oo ka dhacayey deegaanka Ceelka Shidi Cameyra ee u dhow tuuladaas.

Majirto cid xaqiijisay khasaaraha ay duqeymahaasi ka geysteen goobaha lala beegsaday, mana jirto wax war ah oo ilaa iminka maamulka Puntland ka soo saareen duqaymaha ka dhacay deegaano ka tirsan gobolka Bari.

14 bishan April ayeey aheyd markii meel u dhow tuulada xiriiro ee degmada Iskushuban duqeyn cirka ah lagu dilay C/xakiin Dhucub oo maamulka Puntland sheegay inuu ka tirsanaa ururka Daacish.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]