4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 26, 2019
Wasiir Bayle oo Addis Ababa kaga qeyb-galay shir looga hadlayo Dhameystirka hanaanka deyn cafinta

 

Jimco, April, 26, 2019 (HOL)- Wasiirka Maaliyadda Xukuumaadda Federaalka Soomaaliya  Cabdiraxmaan Ducaale Bayle ayaa magaalada Addis Ababa kaga qeyb-galay Shir looga hadlayo Horumarinta dhaqaalaha Soomaaliya iyo dhameystirka hanaanka deyn cafinta Soomaaliya.

“Waxaa magaalada Addis Ababa inooga furmay Shirka IMF iyo Dowladda Soomaaliya  oo aan uga wada hada hadleyno horumarinta Dhaqaalaha Soomaaliya, dhameystirka hanaanka deyn cafinta iyo ka wada tashiga hiigsiga sanadaha soo socda”ayuu yiri Wasiir Bayle.

Wasiir Beyle ayaa ugu danbeyntii sheegay in Dowladda Soomaaliya hada ay taagan -tahay meel Aduunku wada ogyahay taas oo ah in dhabihii guusha ay ku socoto.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]