4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Apr 26, 2019
Soomaaliya iyo Norway oo wadahadallo laba dhinacle ah ku yeeshay Muqdisho

 

Jimco, April, 26, 2019 (HOL)- Wasiir dowlaha arrimaha dibadda xukuumadda federaalka Soomaaliya, Cabdulqaadir Axmed Khayr Cabdi ayaa muqdisho kulan kula yeeshay agaasimaha guud ee dawladda Norway u qaabilsan arrimaha goballada, Ms Tine Mørch Smith.

Kulanka oo ahaa mid mira dhal ah ayaa looga hadlay dar-dar-gelinta wada shaqaynta iyo horumarinta danaha labada dawladood iyada oo loo marayo Istaraatiijiyado hagaagsan.

Agaasimaha guud ee dawladda Norway u qaabishan arrimaha goballada ayaa sheegtay in Norway ay ka go’antahay in dawladda Soomaaliya ay ka taageerto Qorshaha horumarinta qaranka iyo tubaha qaranka.

Mas’uuliyiin ka socotay xafiiska ra’iisul Wasaaraha, Wasaaradaha arrimaha dibadda, maaliyadda, Batroolka iyo haweenka ayaa wasiir dowlaha arrimaha dibadda xukuumadda federaalka Soomaaliya ku wehliyay kulanka uu la yeeshay agaasimaha guud ee dawladda Norway u qaabishan arrimaha goballada.

Mas’uuliyiinta shirka qayb galay ee ka socday Norway waxaa kamid ahaa safiirka Norway ee Soomaaliya Ms. Elin Bergithe Rognlie iyo xunna sare oo ka socday wasaaradda arrimaha dibadda iyo Safaaradda Norway ee Muqdisho.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]