4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Apr 26, 2019
Dacwad ka dhan ah madaxweynaha Hirshabeelle iyo ku-xigeenkiisa oo loo gudbiyay maxkamada sare ee dalka

 

Jimco, April, 26, 2019 (HOL)- Dr Xusseen Cismaan Cilmi oo horay Wasiirka Xannaanada Xoolaha uga soo noqday maamulka Hir-shabeelle ayaa sheegay in xubno gaaraya 11 Wasiirro horay uga soo noqday maamulka Hir-shabeelle dacwad ka gudbiyeen sida uu hadalka u dhigay madaxweynaha Hirshabeelle iyo ku-xigeenkiisa.

Wuxuu sheegay in dacwadooda oo soo martay heerar kala duwan ugu danbeyntii u gudbiyeen guddoonka maxkamada sare ee dalka, islamarkaana maalinta Isniinta ah la guda-gali doono.

‘’Dacwadeennu waxey ku saleysan tahay xuquuq naga maqan, waa mishaarkii aan xaq u laheyn, mudaddaa intaa la eg Wasiirka waxaa ka maqan lacag dhan $200 oo dollar oo mishaarkiisa ah, wasiiru-dowlaha iyo Wasiir ku-xigeenkana waxaa ka maqan lacag dhan $1500 oo dollar bishiiba oo mishaarkiisa ah, waana mudo 15 bilood ah,   waxaan rajey-nayaa in dacwadaasi aan ku guuleysan doonno, waayo annaga waxa aan raadineyno waa xaquuq aan leenahay ‘’ ayuu yiri Wasiirkii hore ee xannaanada Xoolaha ee maamulka Hir-shabeelle.

Waa markii ugu horeysay oo maxkamada sare ee dalka loo soo gudbiyo dacwad ka dhan ah madaxda maamul gobolleedyada dalka oo la xiriirta mishaar la'aan iyo xuquuq la lusaday.

Marka laga soo tago sheegashada Wasiirka ee ah in maxkamada sare ay u gudbiyeen dacwada ka dhanka ah madaxweynaha maamulka Hirshabeelle iyo ku-xigeenkiisa, dhinaca kale ma jirto cid kale oo warbaahinta u xaqiijisay jirintaanka dacwadan gaar ahaan maxkamada sare oo aan wax war ka soo saarin.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]