4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Apr 26, 2019
Urur Ilhan Omar ku taageeray doorashada Mareykanka 2020-ka

 

Jimco, April, 26, 2019 (HOL)- Urur hanti badan leh oo horumarka u dhaqdhaqaaqa ayaa aqoonsigooda ugu horreeya ee taageerada doorashada aqalka Koongareeska Mareykanka ee 2020-ka siiyay Ilhaan Cumar, oo ah gabar muslim ah oo ka tirsan aqalka wakiillada, sida ay shaacisay warbaahinta Fox News.

Arrintan ayaa kusoo aadday xilli ay Ilhaan wajaheyso eedeymo xoog leh oo la xiriira Yuhuud Naceyb iyo waxyaabo kale oo muran salka ku haya.

Bogga uu ururkan ku leeyahay internet-ka oo lagu magacaabo MoveOn.org ayaa Arbacadii lagu shaaciyay taageerada loo muujiyay Ilhaan Cumar oo Koongareeska u matasha xisbiga Dimuqraaddiga Mareykanka.

Waxay ururku sheegeen inay arrintan kusoo beegeen dhaleeceynta daba socotay hadalladii ay jeedisay gabadhan laga soo doortay gobolka Minnesota.

"Iyadoo ay jiraan falal cunsurinnimo ah iyo isku dayo lagu doonayo in lagu hor istaago gabadhan, oo ah haweeneydii ugu horreysay ee Madow ah, muslinna ah ee ku biirtay Koonagreeska Mareykanka, iyo isku dayada qaawan ee lagu kicinayo qalalaasaha ka dhanka ah iyada iyo bulshooyinka Muslimiinta ah, Ilhaan Cumar waxay sii wadday dadaalka ay ugu dagaallameyso bulshadeenna, mana aha dadka ay u doodeyso kuwa maalqabeennada iyo kuwa awoodda leh oo kaliya", waxaa sidaas lagu yidhi warbixinta ay soo saareen ururka taageerada u muujiyay Ilhaan.

Hase ahaatee, taageeradan ayaa noqon karta mid ku adag Ilhaan, maadaama ay horay marar badan uga hadashay sida ay uga soo horjeeddo siyaasadda lacagta dabada looga riixo.

Ururka MoveOn ayaa caan ku ah inuu mar walba xabadka u garaacdo musharraxiinta xisbiga Dimuqraaddiga, kuwaasoo uu dhaqaale badan ku garab istaago.

Doorashadii 2018-kii ka dhacday Mareykanka, wuxuu ururkan ku taageeray lacag dhan $3.5 malyan oo doolar.

Ilhaan Cumar ayaa dhawaanahan wajaheysay dhaleeceyn uga timid hadallo ay jeedisay, kuwaasoo siyaabo kala duwan loo arkay.

Waxaa maalmihii lasoo dhaafay si weyn loogu eedeynayay hadallo la sheegay inay ku buun buunisay khasaaraha Soomaalida kasoo gaaray howlgalkii uu mareykanka Muqdisho ka fuliyay sannadkii 1993-kii.

Isniintii ayaa dib loo soo saaray qoraal ay Ilhaan kusoo bandhigtay barteeda Twitter-ka sannadkii 2017-kii.

"Xasuustiisa gaarka ah, wuxuu illoobay inuu ku soo hadal qaado kumanaanka Soomaalida ah ee ay maalintaas dileen askarta Mareykanka!", sidaas ayey Ilhaan Cumar ku qortay Twitter-ka, mar ay ka jawaabeysay hadal uu qof ka mid ah dadka bartaas isticmaala ku xusay in dagaalkii Muqdisho Mareykanka looga dilay 19 askari, 73 kalena looga dhaawacay.

Qiyaasta lagu sameeyo dadkii Soomaalida ahaa ee xilligaas la dilay ayaa lagu kala duwan yahay, dadka qaar waxay ku sheegaan 133 ruux halka kuwo kalena ay gaarsiiyaan ilaa 1,000 qof, balse laguma tilmaamo "kumannaan", sida ay qortay warbaahinta Fox News.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]