4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 26, 2019
Dagaal culus oo ka dhacay gobolka Shabeellaha Hoose

 

Jimco, April, 26, 2019 (HOL)- Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeellaha Hoose gaar ahaan deegaannadii dhawaan lagala wareegay Al-shabaab ee dulleedka degmada Afgooye ayaa sheegaya in xalay halkaa uu dagaal culus ku dhaxmaray ciidamada dowladda Soomaaliya iyo xoogagga Ururka Al-shabaab.

Goobjoogayaal ayaa warbaahinta u sheegay in dagaalyahanno ka tirsan Al-shabaab ay weerareen saldhig ciidamo ka tirsan kuwa millateriga Soomaaliya gaar ahaan kuwa Mareykanka uu tababaray ee Bangaraafta ku leeyihiin deegaanka Sabiid oo ay dhawaan la wareegeen.

Dagaal oo ahaa mid culus oo saacado badan qaatay ayaa leysku adeegsaday hub kala duwan, waxana la ogeyn ilaa iyo hadda khasaaraha dhimasho iyo dhaawac ee ka dhashay dagaalka xalay.

Balse warar ay baahiyeen Al-Shabaab ayaa waxaa ay ku sheegeen in weerarkaas ay ku qabsadeen mid ka mid ah saldhigyada ciidamada dowladda ee deegaanka Sabiib,isla markaana askar ay ku dileen.

Dhinaca dowladda wax war ah kama aysan soo saarin dagaalkii xalay iyo sheegashada Ururka Al-shabaab intaba.

Deegaannada lagu dagaalamay waxaa dhawaan booqday madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo halkaa kula hadlay ciidamada dowladda.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]