3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Apr 26, 2019
Wararkii ugu danbeeyay xaalada dalka Sudan

 

Jimco, April, 26, 2019 (HOL)- Dibad-baxayaasha Sudan ayaa mar kale billaabay in ay isu soo aruursadaan iyaga oo doonaya in ay ka dhabeeyaan ballan qaadkoodii ahaa in ay Khamiista maanta ah sameynayaan bannaanbax ay ka qeyb-gali doonaan "Hal Milyan oo qof.''

Bannaanbaxa halka milyan oo qof, ayeey ku rabaan in ay ku cadaadiyaan golaha milatariga ee hadda awoodda waddanka haya in ay talada ku wareejiyaan dowlad madani ah, kaddib afganbigi xakunka looga tuuray madaxweynihi hore ee dalkaasi Cumar Al-Bashir.

Golaha Milatariga ee Sudan ayaa maanta sheegay in saddex xubin oo iyaga ka mid ah ay is-casileen kaddib wadahadallo xalay saqdi dhexe ay yeesheen Milatariga iyo madaxa hogaamineysa kacdoonka shacabka.

Millatariga ayaa sheegay in ay aqbaleen inta badan dalabka hogaanka kacdoonka, isla markaana la sameeyay guddi ka kooban xubno ka tirsan Golaha Sare ee millatariga iyo hogaamiyaasha Kacdoonka Shacabka.

Iyadoo ay taasi jirto ayaa haddana lagu wadaa in bannaanbaxa halka milyan uu ka dhaco magaalada Khartoum ee caasimadda Sudan.

Dibaxyada Sudan ee sababay in milatariga uu afgambiyo dowladdii Jeneral Al Bashir, ayaa soo billowday 19-ki bishii December, kaddib markii ay dadka ka cawdeen sicir barar dhanka nolosha ah.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]













Click here
4/26/2019 1:33 PM EST
Jimco, April, 26, 2019 (HOL)-Madaxweynayaasha dowlad gobolleedyada, Puntland, Jubbalad iyo Galmudug ayaa maanta magaalada Nairobi ee dalka Kenya kula kulmay safiirka dowladda Mareykanka ee Soomaaliya Donald Yamamoto

4/26/2019 12:08 PM EST
Jimco, April, 26, 2019 (HOL)- Wasiirka Maaliyadda Xukuumaadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Bayle ayaa Magaalada Addis Ababa kaga qeyb-galay Shir Looga hadlayo Horumarinta Dhaqaalaha Soomaaliya iyo dhameystirka hanaanka deyn cafinta Soomaaliya.

4/26/2019 11:19 AM EST
Jimco, April, 26, 2019 (HOL)- Wafdi isugu jira Wasirro. Xildhibaanno, Taliyayaal ciidan, guddoomiyayaal degmo,. Odayaal dhameedyo uu hogaaminayay Wasiirka Wasaarada dib u heshiisiinta iyo dib u dejinta Hirshabeelle Cabdikariin Cali Nuur ayaa ku guuleystay in ay heshiis kala dhax-galaan beello ku dagaalamay degmada Cadalle ee gobolka Shabeellaha Dhexe..

4/26/2019 8:07 AM EST
Jimco, April, 26, 2019 (HOL)- Guddoomiyaha maamulka ahna Duqa Muqdisho gobolka Banaadir Eng Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisoow oo ka hadlayay caqabadaha ka jira sugida Amniga magaalada Muqdisho ayaa sheegay in dhibaatada ugu weyn ee Amni xumada ka jirta magaalada ka danbeeyaan siyaasiyiin sida uu hadalka u dhigay doonaya in ay meesha ka saaraan maamulka uu guddoomiyaha ka yahay.

4/26/2019 6:38 AM EST
Jimco, April, 26, 2019 (HOL)- Wasiir dowlaha arrimaha dibadda xukuumadda federaalka Soomaaliya, Cabdulqaadir Axmed Khayr Cabdi ayaa muqdisho kulan kula yeeshay agaasimaha guud ee dawladda Norway u qaabilsan arrimaha goballada, Ms Tine Mørch Smith.

4/26/2019 1:48 AM EST
Jimco, April, 26, 2019 (HOL)- Dr Xusseen Cismaan Cilmi oo horay Wasiirka Xannaanada Xoolaha uga soo noqday maamulka Hir-shabeelle ayaa sheegay in xubno gaaraya 11 Wasiirro horay uga soo noqday maamulka Hirshabeelle dacwad ka gudbiyeen sida uu hadalka u dhigay madaxweynaha Hirshabeelle iyo ku-xigeenkiisa.

4/26/2019 1:34 AM EST
Khamiis, April, 25, 2019 (HOL)- Urur hanti badan leh oo horumarka u dhaqdhaqaaqa ayaa aqoonsigooda ugu horreeya ee taageerada doorashada aqalka Koongareeska Mareykanka ee 2020-ka siiyay Ilhaan Cumar, oo ah gabar muslim ah oo ka tirsan aqalka wakiillada, sida ay shaacisay warbaahinta Fox News.

4/26/2019 1:06 AM EST
Jimco, April, 26, 2019 (HOL)- Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeellaha Hoose gaar ahaan deegaannadii dhawaan lagala wareegay Al-shabaab ee dulleedka degmada Afgooye ayaa sheegaya in xalay halkaa uu dagaal culus ku dhaxmaray ciidamada dowladda Soomaaliya iyo xoogagga Ururka Al-shabaab.