4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 25, 2019
Senator Faroole: Waddanka meel fiican kuma socdo

Khamiis, April, 25, 2019 (HOL) - Senator Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Faroole oo ah Senator ka tirsan Aqalka Sare ee dalka ayaa ku dhaliilay dowladda Federalka Soomaaliya qaabka ay u maareyneyso dhamaystirka dastuurka dalka iyo farogelinta maamul-gobolleedyada.

Ballanqaadyadii u horreyay ee madaxweyne Farmaajo ayay ka mid ahayd in xoogga la saari doono dhameystirka dastuurka,balse wuxuu sheegay madaxweynihii hore ee Puntland oo ka mid ah Aqalka Sare  in dowlada federalka oo u harsan labo sanno oo kaliya aysan muuqan inay dhamaystireyso dastuurka qabyada ah.

"Dastuurkii la isla raacay oo Federaalka ahaa oo qabyada ahaa, waddadu ku socdaa maaha wadda sax ah  ee waa qaldanyahay, wax ka hagaagayna ma jiraan, afartii sanno ee dowladda Federaalka ah madxweynaheeda iyo baarlamanadeeda la doortayna, waxaa ka haray mudda laba sano ka yar, wax dastuura oo maanta jiraana ma jiraan". ayuu yiri Faroole oo suxufiyiinta kula hadlay Garoowe.

Senator Faroole,  ayaa sidoo kale sheegay in dowlada Federalka aysan dhab ka ahayn ku dhaqanka habka federaalka ee hore Soomaalidu isugu raacday,isagoo inta ku daray inay farogelin ku hayso maamul-gobolleedyada dalka isagoo tusaale u soo qaatay dowlad-gobolleedyada Koofurgalbeed iyo Jubbaland.

"Waxaa la isla qaatay in maamullada aan la farogelin marka ay doorasho dhaceyso, illaa iyo haatan meelaha ay wax ka dhaceen koonfurgalbeed oo farogelintii ka dhacday aad ogaydeen fitnadii ka dhacday, dhibaatadii ay keentay dadkii ku dhintay iyo dadka xirxiran.. Puntland oo ballangaar ah ay ka jirtay oo aan aniga ka mid ahaa dadkii korjoogtada ka ahaa ee doonayey in doorasho xaq iyo xalaal ay ka dhacdo,gacmo gelin xoog leh ay ka dhacday oo ay dowladda dhexe ay sameysay oo lacag xoog leh ay ku bixisay.. 21 xubnood oo tartamaayay, aniga ma garan karo inta aan wax la siin, laakin waxaan is leeyahay badidood lacag waxa loo soo wada siiyay in la carqaladeeyo oo doorasho xalaal aysan ka soo bixin, balse nasiib wanaag dadka halkaan jooga way ka guuleysteen cidday rabeen bayna doorteen". ayuu yiri Faroole.

Waxaa kalo uu sheegay  in aqalka sare uu dusha kala socday heshiis ay kala saxiixdeen dowladda federaalka iyo madaxweynaha Jubbaland, Axmed Islaam, isagoo sheegay in aysan jirin wax ka dhaqangalay heshiiska ayna madaxtooyada wali wado farogelinta ayna abaabuleyso ol ole ka dhan ah Axmed Islaam.

Cabdiraxmaan Faroole, oo Garoowe ku soo dhaweeyay xubno ka tirsan golaha Aqalka sare ee laga soo doorto Puntland, ayaa yiri " Dad badan baa Muqdisho wax ka wada, dowladda dhexe in doorasho xalaal ah ay ka dhaceyso halkaasi Jubbaland carqalad bay ka wadaa, beesha caalamka way ogtahay, anigu waanu ognahay dadka haddii aysan ogayn hadda ha ogaadaan, waddanka meel fiican kuma socdo wadatashi baanu u nimid wixii ka soo baxa waadna heli doontaan".

Gabagabadii, Faroole ayaa wacad ku maray inaysan indhaha ka fiirsan doonin dhibaatada lagu sameynayo dastuurka qaybyadda ah isla markaana ay warbixin ka soo saari doonan mowqifkooda ku aaddan sida ay haatan wax u socdaan.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]