Shirkii golaha wasiirada Somaliland oo maanta warbixino laga dhagaystay saddex wasiir
Khamiis, April, 25, 2019 (HOL)- Shirkii golaha
wasiirada Somaliland ayaa maanta warbixino laga dhagaystay wasiirada maaliyada,
beeraha iyo biyaha, kuwaas mid waliba ka hadlay wixii u qabsoomay iyo baahiyaha
jira wasaaradiisa.
Shirkan golaha wasiirada waxa shirgudoominayey
madaxweyne Muuse Biixi oo uu ku wehelinayey Madaxweyne ku xigeenka Somaliland,
Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (saylici), waxaana ugu horeyn warbixintiisa
soo jeediyey wasiirka wasaaradda horumarinta maaliyadda, Dr. Sacad Cali Shire.
Wasiir Shire wuxuu is barbar dhig ku sameeyey
saddex biloodkii sannadkii hore Jan-march ee 2018-ka iyo saddex biloodka
sannadkan 2019-ka ee bilaha Jan-march, waxaanu isdul taagay wasiirku isbedelka
sanadkani ku yimid arrimaha dhoofka (Export) iyo soo dejinta (Import) oo aad
uga sareeya wakhtigan marka la barbar dhigo saddex biloodkii sanadkii tegay.
Waxa kale oo wasiirku uu xusay in hoos u dhac
weyni ku yimid arrimaha sicir bararka (Inflation) oo isbedel balaadhan laga
gaadhay marka loo eego sanadkii hore bishii march oo uu ahaa 18.9% halka
sanadkan bisha march ka ahaa 7.0%. waxaanu wasiirku iftiimiyey in dhakhliga
saddex biloodka Jan-March ee sanadkan 2019-ku uu sameeyey kor u kac gaadhaya
43%, marka la barbar dhigo saddex biloodkii Jan-march ee 2018-kii.
Dhinaca kale waxa goluhu warbixin ka dhegeysteen
wasiirka Beeraha, Mudane Axmed Muumin Seed oo sharaxay xaaladda roob yaraanta
ee sanadkan iyo dib u dhac ku iman doona wax beerista dalagyadii loo qorsheeyey
inay ku baxaan roobabkii la filayey inay ku da’aan wakhtigii la sugayey
sannadkan, waxaanu xusay wasiirku inay xooga saari doonaan beerista midhaha ku
baxaya wakhtiga kooban sida qamandiga, gallayda IWM.
Sidoo kale wasiirka wasaaradda horumarinta
biyaha, Mudane Saleebaan Yuusuf Cali Koore ayaa golaha u akhriyey warbixin la
xidhiidha safar uu dhawaan ku soo maray qaar ka mid ah gobollada bariga,
waxaanu wasiirku ku dheeraaday biyo yaraan soo foodsaartay dadka iyo duunyada
ku dhaqan gobollada Sool, Sanaag iyo Saraar iyo baahida ay u qabaan inay helaan
biyo ku filan wakhtigan.
Ugu danbayn goluhu isaga oo ka duulaya
dareensanna ahmiyada ay doorashooyinku u leeyihiin qaranka Somaliland iyo inay
ku qabsoomaan wakhtigoodii, waxay go’aamiyeen in hab sharciga waafaqsan looga
gudbo caqabadaha siyaasadeed iyo dhaqaale ee ku gudban arrimaha doorashooyinka
la filayo inay dalka ka qabsoomaan sannadkan.
Sidaas waxa warsaxaafaeed ku soo saaray
afhayeenka madaxweynaha Maxamuud Warsame Jaamac.
Barkhad-ladiif
M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa,
Somaliland.