4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 25, 2019
Safiirada Soomaaliya u kala fadhiyey dalalka India iyo Swizerland oo laysku beddelay


Danjire Abyan Maxamed Saalax (bidix) iyo Danire Faaduma Cabdullahi Maxamuud (Insaaniya)

Khamiis, April, 25, 2019 (HOL) - Warar isasoo tarayo oo soo gaarayo xafiiska HOL ayaa sheegay in laysku beddelay safiiradii Soomaaliya u kala fadhiyey dalalka India iyo Swizerland.

Danjire Abyan Maxamed Saalax oo safiir ka ahyd dalka India ayaa waxaa loo magacaabay safiirka cusub ee dalka Swizerland iyo wakiilka Qaramada Midoobeay ee  xuquuqul insaanka, halka Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Switzerland Faadumo Cabdullahi Maxamuud (Insaaniya) loo magacaabay safiirka cusub ee dalka India.

Isbeddelkaan oo baraha bulshada si weyn looga hadlayey ayaan wali la hayn qoraal cad oo ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda.

Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Switzerland Faadumo Cabdullahi Maxamuud (Insaaniya) ayaa dhawaan looga yeeray dalka Soomaaliya ka dib markii ay ka aamustay codbixin Qarmada Midoobay ay u qaaday buuraleeyda Golen Hights oo ay sheegatay dowladda Isreal.  

Xafiiska HOL