4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 25, 2019
Hoggaamiyaasha diimaha oo ku baaqay midnimo wixii ka danbeeyay qaraxii Sri Lanka

 

Khamiis, April, 25, 2019 (HOL)- yadoo dalka Sri Lanka ay ka dhaceen qarxyo waaweyn oo galaaftay nolasha boqolaal dad ah ayaa jiray kulan ay soo abaabuleen hoggaamiyaasha diimaha oo looga hadlay sidii loo heli lahaa midnimo guud iyo xasilooni lagu soo dabbaalo dalkaasi.

Kulanka oo ay ka qeyb-galeen safiirro ka kala socda  dlalka muslimka ah,hoggaamiyaasha diimaha dalka Sri Lanka iyo hoggaamiyaha Kaniisadda  Katooligga,mwaxaa  lagu  baaqay in la muujiyo deganaan,isla markaana lala yimaado iscafin iyo wax wada qabsi.

Boqolaal muslimiin ah ayaa ka cararay deegaanka  Negombo on dhaca xeebaha galbeed ee dalkaasi,halkaasi oo qaar ka mid ah weerarada aargoosiga ah ay ka dhaceen .

Maalinimadii Axadda ee la soo dhaafay waxaa qaraxyo argagixiso ah lala beegsaday Hoteello iyo Kaniisado ku yaalla dalka Sri Lanka, waxaana ku dhintay in ka badan 3-boqol oo ruux.

Dowladda ayaa qiratay in ay ka gaabiyeen howshii loo idmaday,waxaana Madaxweynaha dalkaasi uu soo saaray waregto uu ku dalbanaayo in ay iscasilaan  taliyaasha ciidamada .

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]