4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 25, 2019
Shirkadda Kebarco oo dhammeystirtay 1 km waddada laamiga ah ee bartamaha degmada Burtinle


Khamiis, April, 25, 2019 (HOL)- Shirkadda Kebarco oo gacanta ku haysa dhismaha inta badan waddooyinka laamiga ah ee gobollada Mudug iyo Nugaal ayaa soo gabagabeysay 1 km oo ah dhismaha waddada laamiga ah ee bartamaha degmada Burtinle ee gobolka Nugaal.

Dadka deegaanka ayaa hab- isku tashi ah ku dhisaya waddada laamiga ah iyagoo gacan ka helaya shirkadda Kebarco , mana helin wax dayactir ah waddadan oo muhiim u ah isku socodka gobollada koonfurta iyo bariga tan iyo markii ay meesha ka baxday dowladdii dhexe ee dalka.

"Dhismahan waa tijaabo guuleystay ,waddadaan burbur xoog leh ayaa soo gaaray ,haddana sida ay isku badashay way muuqaata, waana dhaqaalo ka yimid bulshada oo gacan ka helaya Kebarco oo ah shirkad ka dhabeysay riyada ay bulshadu qabeen". ayuu yiri mid ka mid ah guddiga gacanta ku haya dhismaha waddada bartamaha ee degmada Burtinle.

Guddiga ayaa sidoo kale ugu baaqay dadweynaha Soomaaliyeed iyo qurbajoogta inay ka qaybqaataan sidii loo dhammeystiri lahaa mashruucan ku billowday iskutashiga,waxaana qorshaha uu yahay in 3 km ee waddada loo qorsheeyay in la dhammeystiro.

Gabagabadii, mas'uuliyiinta Kebarco oo ah shirkad ay leeyihiin dhallinyaro Soomaali ah ayaa ballanqaaday inay bulshada degmada Burtinle iyo guud ahaan deegaannada kale ee dalka ugu adeeggi doonaan sida ugu wanagsan, gacanna ku siin doonaan hirgalinta barnaamijyada iskutashiga.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]