3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Apr 25, 2019
Xildhibaan Cali Balcad : Madaxweyne Farmaajo isaga ayaa doortay in uu sii heysto Basaboorka Mareykanka

 

Khamiis, April, 25, 2019 (HOL)- Xildhibaan Cali Maxamed Cumar [Cali Balcad] oo horay u soo noqday agaasimaha madaxtooyada Soomaaliya oo wareysi siinayay Warbaahinta Dalsan ayaa sheegay in madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo loo soo bandhigay in uu iska wareejiyo Baasaboorka Mareykanka, laakiin uu ku adkeystay in uu sii heysto.

Wuxuu sheegay in madaxweyne Farmaajo markii la doortay wax-yaabihii ugu horeeyay ee lagala hadlay aheyd arinta Baasaboorka Mareykanka, iyadoo loo sharaxay faa’iidada iyo dhibatada ka iman karta labadaba haddii uu sii heysto iyo haddii uu iska wareejiyo, balse uu ku adkeystay in uu sii ahaado muwaadin Mareykan ah.

‘’Waa madaxweynaha kaliya ee heysta dunida Baasaboor Mareykan ah, horay waxaa u wareejiyay madax badan oo caalamka ah, waxaa ka mid ah Ra’iisul Wasaaraha Israel, Lithuania, Ciraaq, Haiti iyo kuwa kale.

 

Madaxweyne Farmaajo ayaa dhowr jeer oo hore ka baaqday safarro muhiim ah oo uu ku tagi lahaa dalka Mareykanka sababo la xiriira jinsiyada uu heysto, waxaana safaradaa uu madaxweynuhu ka baaqday ka mid ahaa ka qeybgalka shirar heer caalami ah sida shirka golaha guud ee loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay.

Wasaarradda arrimaha dibada Mareykanka ayaa dhawaan soo saartay digniin ka dhan ah dadka heysta dhalashada Mareykanka ee xilalka ka qabta ama u dhaarta dal kale kuwaa oo loola macaamili doonin sidii madax oo kale ilaa ay wareejiyaan Basaboorada Mareykanka oo ay heystaan.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]

 













Click here
4/25/2019 2:57 PM EST
Khamiis, April, 25, 2019 (HOL) - Senator Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Faroole oo ah Senator ka tirsan Aqalka Sare ee dalka ayaa ku dhaliilay dowladda Federalka Soomaaliya qaabka ay u maareyneyso dhamaystirka dastuurka dalka iyo farogelinta maamul-gobolleedyada.

4/25/2019 11:57 AM EST
Khamiis, April, 25, 2019 (HOL)- Xisbiga mucaaradka ah ee WADANI ayaa si adag uga hor yimid go’aankii labada xisbi ee kale KULMIYE iyo UCID isku raaceen ee uu ka maqnaa xisbiga WADANI.

4/25/2019 11:38 AM EST
Khamiis, April, 25, 2019 (HOL)- Ha'yadda saadasha hawada ee adduunka ayaa sheegtay in duufanno ay kusoo wajahan yihiin dalka Mozambique , waxaana la filaya in duufaanta ay garaacdo gobollada xeebta ku yaalla ee waqooyiga dalkaasi, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee dowladda.

4/25/2019 11:27 AM EST
Khamiis, April, 25, 2019 (HOL)- Shirkii golaha wasiirada Somaliland ayaa maanta warbixino laga dhagaystay wasiirada maaliyada, beeraha iyo biyaha, kuwaas mid waliba ka hadlay wixii u qabsoomay iyo baahiyaha jira wasaaradiisa.

4/25/2019 9:03 AM EST
Khamiis, April, 25, 2019 (HOL) - Warar isasoo tarayo oo soo gaarayo xafiiska HOL ayaa sheegay in laysku beddelay safiiradii Soomaaliya u kala fadhiyey dalalka India iyo Swizerland.

4/25/2019 8:56 AM EST
Khamiis, April, 25, 2019 (HOL)- yadoo dalka Sri Lanka ay ka dhaceen qarxyo waaweyn oo galaaftay nolasha boqolaal dad ah ayaa jiray kulan ay soo abaabuleen hoggaamiyaasha diimaha oo looga hadlay sidii loo heli lahaa midnimo guud iyo xasilooni lagu soo dabbaalo dalkaasi.

4/25/2019 8:28 AM EST
Khamiis, April, 25, 2019 (HOL)- Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya kulan kula qaatay Safiirka dalka Hindiya ee Soomaliya, Ambassador Rahul Chabbra.

4/25/2019 8:11 AM EST
Khamiis, April, 25, 2019 (HOL)- Shirkadda Kebarco oo gacanta ku haysa dhismaha inta badan waddooyinka laamiga ah ee gobollada Mudug iyo Nugaal ayaa soo gabagabeysay 1 km oo ah dhismaha waddada laamiga ah ee bartamaha degmada Burtinle ee gobolka Nugaal.

4/25/2019 5:58 AM EST
Khamiis, April, 25, 2019 (HOL)- Xubno ka tirsan golaha Wasiirrada xukuumadda Soomaaliya ayaa ku soo dhaweeyay Garoonka diyaaradaha magaaalada Muqdisho guddoomiyaha Xisbiga Himilo Qaran Shariif Sheekh Axmed.

4/25/2019 5:45 AM EST
Khamiis, April, 25, 2019 (HOL)- Waxaa ku dhawaaqay inay is casileen Saddex xubnood oo ka tirsanaa Xubnaha ugu sareeya Millateriga dalka Suudaan ee haya talada dalkaas,waxaana ay sabab u aheyd cabasho ka imaaneysay dadka dibadbaxa dhigayey.

4/25/2019 12:41 AM EST
Khamiis, April, 25, 2019 (HOL)- Xildhibaanno ka tirsan labada Aqal ee baarlamaanka Soomaaliya iyo odayaal dhaqameed ayaa u tagay degmada Wanlaweyn ee gobolka Shabeellaha hoose sidii loo soo afjari lahaa dagaal beelleedyo muddo dheerba halkaa ka taagnaa.

4/25/2019 12:26 AM EST
Khamiis, April, 25, 2019 (HOL)- Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee dowladda Soomaaliya [Danab] ayaa markii ugu horeysay waxaa ay deeq isugu jirta qalabka dhismaha iyo raashin gaarsiiyeen deegaanno laga saaray Al-shabaab oo ka tirsan gobolka Shabeellaha hoose.