4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 25, 2019
Ciidamada dowladda oo agabka dhismaha iyo raashin gaarsiiyay deegaanno laga saaray Al-shabaab

 

Khamiis, April, 25, 2019 (HOL)- Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee dowladda Soomaaliya [Danab] ayaa markii ugu horeysay waxaa ay deeq isugu jirta qalabka dhismaha iyo raashin gaarsiiyeen deegaanno laga saaray Al-shabaab oo ka tirsan gobolka Shabeellaha hoose.

Mowliid Axmed Xassan oo ah afhayeenka ciidamada Danab ayaa sheegay in gaarkan ay gaarsiiyeen deegaannada laga saaray Al-shabaab ee gobolka Shabeellaha Hoose uu noqonayo mid muhiim u ah dib u soo kabashada nolasha dadka deegaannadaasi ku dhaqan.

‘’Marka laga soot ago deeqda isugu jirta qalabka dhismaha iyo raashinka sidoo kale waxaan ka furnay deegaanka xarun caafimaad oo siineysa dadka taagta daran adeeg-yada caafimaad oo ay u baahan yihiin’’ ayuu yiri afhayeenka ciidamada.

Dhawaan madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa booqday deegaannada Sabiid iyo Canoole oo ka tirsan deegaannadii ugu danbeeyay ee laga saaray Ururka Al-shabaab, isaga oo ugu baaqay ciidamada in ay gacan siiyaan dadka deegaannadaasi ku dhaqan dowladdu –na ka caawineyso taageeradda ay u baahan yihiin.

‘’Waxaan ku tala jirnaa oo ay dadku naga codsadeen markii aan la sheekeysanay in aan u furno Iskuul waxbarasho, madaama deegaannadasi aysan laheyn wax Iskuul ah ‘’ ayuu hadalkiisa sii raaciyay Mowliid Axmed Xassan.

Qeyb ka mid ah gobolka Shabeellaha hoose waxaa wali ka soconaya howlgalo ciidamada ay kula dagaalamayaan Ururka Al-shabaab.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]