4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Apr 24, 2019
Kim Jong-un oo gaaray Ruushka

Arbaco, April, 24, 2019 (HOL)– Hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi,Kim Jong-un ayaa gaaray magaalo xeebeedka Vladivostok oo markii ugu horreysay wadahadallo uga furmayo isaga iyo dhiggiisa Ruushka,Vladimir Putin.

Telefishanka dawladda Ruushka ayaa soo bandhigay Kim isaga oo ka baxaya tareenkiisa gaarka ah ee cagaaran,waxaa lagu soo dhaweeyay cuntada hiddaha iyo dhaqanka u ah dalkaasi.

Labada hoggaamiye ayaa marka kulmaan waxaa ay ka wadahadli doonaan arrimaha Nukliyerka ee Gacanka Kuuriya,sida laga soo xigtay  Aqalka looga taliyo Ruushka ee Krimlinka.

Kim Jong-un , ayaa la sheegay inuu u tagay Ruushka si uu taageerro uga raadsado Putin,kaddib markii uu burburay kulankii uu la yeelanayay Donald Trump.

Horrantii sannadkan ayay ahayd markii Trump iyo Kim ku kulmeen magaalada Hanoi si ay uga wadahadlaan barnaamijka Nukliyerka ee Kuuriyada Waqooyi kaas oo ku dhamaaday guuldarro.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]