Madaxweyne Farmaajo oo khudbad ka jeediyay shir madaxeedka xaalada dalka Sudan ee Qaahira
Arbaco, April, 24, 2019 (HOL) – Madaxweynaha dowladda
Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo ayaa khudbad dheer ka jeediyey shir
Madaxeedka Xaalaadda dalka Sudan, ee ka dhacay magaalada Qaahira isaga oo ka hadlay
arrimo dhowr ah.
Khudbada madaxweynaha ayaa sidan udhacday : Ugu
horrayn, waxaan rabaa fursaddan inaan uga faa’idaysto inaan Madaxweyne Abdi
Fattah El-Sisi uga mahadceliyo soo dhawayntii diiranayd iyo martisoorkii
qurxoonaa ee aniga iyo wafdigayga naloo fidiyey markii aan nimi magaaladan
qurxoon ee Qaahira. Waxaan sidoo kale jeclaan lahaa inaan Madaxweyne El-Sissi
uga mahadceliyo qabanqaabada kulankan muhiimka ah ee ku saabsan dalka aan
walaalaha nahay ee Jamhuuriyadda Suudaan.
Maanta waxaan halkan u wada joognaa
shir-madaxeedkan wadatashiga ah ee ay isugu yimaaddeen saaxiibbada gobolka kuna
saabsan xaaladda dalka Sudan oo dhammaanteen, daris ahaan iyo guud ahaan
Qaaradda Afrika, muhiim inoo ah.
Xasilloonida siyaasadeed iyo midnimada Suudaan
waxay lagama maarmaan u tahay nabadda iyo amniga qaaradda. Sudan waxay si
gaar ah ugu taallaa quluubta iyo maanka dadka Soomaaliyeed oo waxay taageero la
garabtaagnayd nabadda iyo xasilloonida dalkayga.
Aniga oo dareensan doorka ay Jamhuuriyadda
Sudan ku leedahay qaaraddeenna, dowladda Soomaaliyeed waxay taageersan tahay
himilooyinka iyo doonista shacabka Suudaan ee ku aaddan nabadda, amniga iyo
inay si buuxda u adeegsadaan xuquuqdooda dimuqraadiyadeed. Waxaan ku kalsoonahay
qaangaarnimada siyaasadeed iyo xikmadda dadka reer Suudaan, waxaannu
aaminsannahay inay heshiis ka gaari doonaan wanaagga dalkooda.
Waxaan tixgelinayaa hadalkii uu jeediyay u
qaabbilsanaha Sudan, Waxaan sidoo kale soo dhawaynayaa warbixintii uu inoo jeediyay
Madaxa Midowga Afirka, taasi oo ahayd mid dhammaystiran oo xog rasmi ah
xambaarsan kuna saabsan xaaladda haatan ee Sudan.
C/raxmaan Diini,
Hiiraan Online
[email protected]