4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 23, 2019
Dowladda Soomaaliya oo ciidamo u diyaarisay sugida Amniga Muqdisho bisha Radamaan

 

Talaado, April, 23, 2019 (HOL)– Taliska Booliska Soomaaliyeed iyo maamulka Gobolka Banaadir ayaa diyaariyey ciidamo loogu talagalay sugida Amniga bisha Ramadaan.

Ciidamadan oo lagu soo bandhigay maanta magaalada Muqdisho ayaa qorshohoodu yahay in amniga magaalada Muqdisho ay xaqiijiyaan maalmaha Bisha Ramaadaan oo maqalma qura inaga xigaan.

Eng, Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisow guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa sheegay in ciidamadaas ay gaarayaan ilaa Saddex kun oo askari oo aan wax balwad ah laheyn kuwaas oo dhawaan tababar soo dhameystay.

Xoogagga Al-shabaab ayaa inta badan marka la gaaro bisha Ramadaan weeraro ka geystay magaalada Muqdisho iyo deegaannada ay dowladda gacanta ku heyso taasoo keentay in dowladda ka foojignaato.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]