Shir looga hadlayo xaaladaha dalalka Liibiya iyo Sudan oo ka furmaya magaalada Qaahira
Talaado, April, 23, 2019 (HOL)–Magaalada Qaahira
ee dalka Masar ayaa lagu wadaa uu maanta ka furmo shir looga arinsanayo qalalaasaha Sudan,
waxaana dhinaca shirka uga qeybgalaya Soomaaliya Madaxweyne Maxamed Cabdulalahi
Farmaajo.
Kulanka oo uu soo qaban qaabiyay madaxweynaha
dalka Masar C/fataax Al-Sisi, sidoo kalena ah guddoomiyaha Midowga Africa ayaa
waxaa ka qeyb galaya Soomaaliya, Koofur Afrika Rwanda iyo Chad, kuwaas oo
ka tirsan urur Goboleedka IGAD.
Kulanka ayaa sidoo kale waxaa qeyb ka noqon doona xaalada ka soo
cusboonaatay dalka Liibiya oo ay ka socdaan dagaallo culus.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa lagu wadaa in marka
laga soo tago shirka guud ee Qaahira
waxaa uu shir doceedyo uu la yeelan doonaa Madaxda Afrika iyo mas’uuliyiinta dalka
Suudaan ee ka qeyb galaya shirkan, isagoo la wadaagi doona mowqifka dowladda
iyo shacabka Soomaaliyeed ee ku aaddan garab istaagga iyo taageeridda shacabka
aan walaalaha nahay ee Sudan.
C/raxmaan Diini,
Hiiraan Online
[email protected]