3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Apr 23, 2019
Dil xalay ka dhacay degmada Goldog ee gobolka Mudug

 

Talaado, April, 23, 2019 (HOL) –Wararka naga soo gaaraya degmada Goldog ee gobolka Mudug ayaa sheegaya in qof hubeysan uu xalay toogasho ku dilay Nin lagu magacaabi jiray Cadaawe Cali Aadan oo ka tirsanaa bahda cayaaraha degmada.

Saraakiisha amniga degmada ayaa warbaahinta u sheegay in gacanta lagu dhigay qofka toogashada geystay oo isku dayay in uu baxsado dilka kaddib.

Dadka degmada ayaa siweyn uga naxay dilka lagula kacay Cadaawe Cali Aadan oo ahaa qof siweyn looga garanayay deegaanka.

Lama oga ilaa iyo hadda sababta keentay dilka marxuumka hasse ahaatee saraakiisha Amniga ayaa sheegay in ay baaritaan wadaan.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]

 
 













Click here
4/23/2019 1:56 PM EST
Talaado, April, 23, 2019 (HOL)– Madaxwaynaha DDS Mustafa Muxumed Cumar ayaa maanta waxaa uu booqasho ku tagay Xarunta Hay'adda Shifo ee dadka lagu dabiibo, xaruntan oo ay ku xarayssn yihiin bukaan aad u tiro badan ayaa waxay xaruntu bixisaa adeegga Caafimaadka iyo ku daawaynta diiniga. iyadoo dhanka kale xaruntu ay leedahay qayb jiif iyo cunto ah oo bukaanka loogu adeego.

4/23/2019 11:07 AM EST
Talaado, April, 23, 2019 (HOL)– Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni oo ku sugan dalka Kenya ayaa magaalada Nairobi kula kulmay Safiirka Boqortooyada Sacuudiga u Fadhiya Soomaaliya Ambassador Dr. Mohammed Khayat iyo ku-xigeenkiisa.

4/23/2019 10:26 AM EST
Talaado, April, 23, 2019 (HOL)– Madaxweynaha Soomaaliya ,Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ka qeyb galaya Shir Madaxeed ku saabsan xaaladaha dalalka Suudaan iyo Liibiya ayaa la kulmay Madaxweynaha Dalka Masar,Cabdulfataax Al-siisi.

4/23/2019 8:47 AM EST
Talaado, April, 23, 2019 (HOL)– Labadda xisbi ee UCID IYO kulmiye ayaa ku heshiiyey inay doorashaddu wakhtigeedii dhacdo, isla markaana guddida doorashooyinka ee hada jiraa sii wadaan shaqadoodda diiwaangalinta codbixiyeyaasha.

4/23/2019 7:58 AM EST
Talaado, April, 23, 2019 (HOL)– Taliska Booliska Soomaaliyeed iyo maamulka Gobolka Banaadir ayaa diyaariyey ciidamo loogu talagalay sugida Amniga bisha Ramadaan.

4/23/2019 2:32 AM EST
Talaado, April, 23, 2019 (HOL)–Magaalada Qaahira ee dalka Masar ayaa lagu wadaa uu maanta ka furmo shir looga arinsanayo qalalaasaha Sudan, waxaana dhinaca shirka uga qeybgalaya Soomaaliya Madaxweyne Maxamed Cabdulalahi Farmaajo.

4/23/2019 1:44 AM EST
Talaado, April, 23, 2019 (HOL)–Wiil iyo Aabihii oo si mutadawacnimo ah dadka u badbaadiya ayaa badda ku qarqamay iyaga oo isku dayaya in ay caawiyaan qof dalxiise ah oo ku dhacay badda gobolka Victoria ee dalka Australia.

4/23/2019 12:34 AM EST
Talaado, April, 23, 2019 (HOL) – Wasiirka Wasaarradda Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya Daahir Maxamuud Geelle oo ka hadlayay shir magaalada Nairobi ugu soo dhamaaday siyaasiyiin Soomaaliyeed iyo xisbiyada mucaaradka ayaa ugu baaqay sida uu hadalka u dhigay in ay [ Orodka mucaaradnimada dhimaan]

4/23/2019 12:17 AM EST
Talaado, April, 23, 2019 (HOL) - Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Ciise Cawad, ayaa kula kulmay Magaalada Qaahira, Ra’iisul wasaaraha Jamhuuriyadda Carbeed ee Masar ee aanu walaalaha nahay, Mudane Dr. Mostafa Madbouli.