4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Apr 23, 2019
Wiil iyo Aabihii oo ku dhintay howl samata-bixin ah

 

Talaado, April, 23, 2019 (HOL) – Wiil iyo Aabihii oo si mutadawacnimo ah dadka u badbaadiya ayaa badda ku qarqamay iyaga oo isku dayaya in ay caawiyaan qof dalxiise ah oo ku dhacay badda gobolka Victoria ee dalka Australia.

Doontii ay saarnaayeen Ross Powell oo 71 jir ah iyo wiilkiisa Andrew oo 32 jir ah ayaa degtay iyaga oo ku sii jeeda dhanka ninka ay rabeen in ay samato bixiyaan oo ku sugnaa meel u dhaw Twelve Apostles.

Dalxiisahii 30 jirka ahaa iyo qof kale oo kuwa dadka badbaadiya ah ayay soo badbaadisay diyaarad kuwa qumaatiga u kaca ah.

Ra'iisulwasaaraha Australia Scott Morrison ayaa u tacsiyeeyay wiilka iyo aabihi isla markaana ku ammaanay is xilqaankooda.

"Dadka samato bixinta sameeya waa halyeeyo masaaliixdooda midda dadka kale ka hormariya," ayuu Ra'iisulwasaaruhu ku soo qoray Twitterka.

"Dhammaantoodna waxaan uga mahadcelinaynaa adeega ay dadka u hayaan, waxaana u tacsiyaynaynaa qoyska Ross iyo Andrew." Ayuu intaas ku sii daray.

Dhacdadan ayaa argagax galisay magaalada Port Campbell oo dalxiiseyaashu ay aad u tagaan, taas oo ku taalla koonfurta-galbeed ee magaalada Melbourne, labadan nin ee dhimatayna waxay ka mid ahaayeen koox khibrad leh oo dadka biyaha ka badbaadiya, dadka ayaa xirmooyin ubaxyo ah ugu tacsiyeeyay calanka ayaana hoos loo dhigay sida ay ku warrantay warbaahinta Australia.

Ninka dalxiisaha ah ee la soo badbaadiyay ayaan magaciisa la shaacin waxaase la sheegay in dhibaato ay haysatay marka la soo badbaadinayay.

Amber Griffiths oo ay wada socdeen Andrew Powell ayaa sheegtay in wiilka iyo aabihii ay ahaayeen labadii ruux ee ugu qurux badnaa ee ay abid aragto, mar kastana ay iska hor marin jireen dadka kale.

Qofka samofalaha ah ee isna la soo badbaadiyay ayaa isbitaal ku jira isaga oo xaaladdiisu ay aad u liidato, sida ay ku warrantay warbaahinta Australia.

Xigasho BBC