4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Apr 21, 2019
Waare oo la kulmay la taliyaha dhinaca siyaasadda ee Wakiilka Urur gobolleedka IGAD

 

Axad, April, 21, 2019 (HOL) – Madaxweynaha Dowladda Hirshabelle Dr Maxamed Cabdi Waare ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay la taliye sare  Dhinaca Siyaasada Wakiilka IGAD  ee Soomaaliya, badda cas iyo badweynta Hindiya Mudane Cabdikariin Maxamed Daahiye oo soo gaaray xarunta Dowlad Goboleedka Hirshabelle Jowhar, waxaana ay ka wada hadleen arrimo kale duwan.

Madaxweynaha iyo la taliyaha ayaa ka wada hadlay  siyaasadda Guud ee dalka iyo xoojinta xasiloonida Siyaasadeed ee  Soomaaliya.

Sidoo  kale Madaxweyne Waare ayaa ka hadlay xaalada abaaraha ka jira  deegaannada Hirshabelle iyo sidii loo caawin lahaa dadka saameynta ay ku  yeelato abaarta iyo biyo la aanta ka jirta, waxaana dhinaca kale uu dul  istaagay muhiimada ay u leedahay Hirshabelle in la gala shaqeeyo  arrimaha amniga islamarkaana la xoojiyo doorka Ciidamada AMISOM ee  xaqiijinta amniga iyo la dagaalanka argagaxisada.

La  Taliye Sare Wakiilka IGAD ee Soomaaliya Cabdikariin Maxamed Daahiye ayaa  sheegay in IGAD mar walbo ay diyaar u tahay in Hirshabelle ay kala  shaqeeyso Horumarinta, iyo dhisida hey'adaha Dowladda, iyo sidoo kale  arrimaha bini'aadanimada sidii looga gacan siin lahaa, kulanka madaxweynaha iyo IGAD ayaa ku soo dhamaaday is afgarad.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]