3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Apr 21, 2019
Madaxweyne Farmaajo oo daah furay shirka Culimada Soomaaliya oo ka furmay Muqdisho

 

Axad, April, 21, 2019 (HOL) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo daah-furay Shirka Culimada Soomaaliyeed ayaa adkeeyey in culimadu ay hormuud ka noqdaan sidii loo wacyigelin lahaa dhallinyaradeenna ay marin habaabiyeen wax uu ugu yeeray argagixisadu, kaalin muuqatana ay uga qaadan lahaayeen toosinta iyo talo-siinta dowladda.

Madaxweynaha ayaa xasuusiyey Culimada Soomaaliyeed ee dal iyo dibadba isaga kala yimid, caqabadaha iyo dhibaatooyinka dib u dhigay xaqiijinta himilooyinka shacabka Soomaaliyeed oo ay ka mid yihiin xagjirnimada, qabyaaladda iyo musuqa.

“Waa waqtigii culimada Somaaliyeed ay qaadan lahaayeen kaalintooda iyaga oo mideysan. Waxaan ku faraxsanahay in culimadeenna iyo Dowladdu ay maanta u mideysan yihiin ka shaqeynta amniga iyo dib u heshiisiinta, aynuna iftiiminno lana dagaalanno xagjirnimada oo dhibaato weyn ku haya dalkeenna."

Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in dhibaatooyinka kala duwan ee Soomaaliya dib u dhigay lagaga gudbi karo wadashaqeyn buuxda oo ay yeeshaan shacabka, culimada iyo dowladda, waxa uuna tilmaamay in sare u qaadidda dowlad-wanaagga, ilaalinta ammaanada shacabka iyo xaqiijinta caddaaladdu ay aasaas u yihiin xalka.

 

Madaxweynaha ayaa sidoo kale adkeeyey muhiimadda ay leedahay in laga wada shaqeeyo dib u dhiska Ciidanka Qalabka Sida, taas oo kaalin weyn ay ku leeyihiin culimada iyo ganacsatada Soomaaliyeed, gaar ahaan dhanka taakuleynta iyo wacyigelinta.

Furitaanka Shirkan waxaa ka soo qayb galay Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdirixmaan Cumar Cusmaan, Culimo Soomaaliyeed oo ka kala yimid gudaha dalka iyo dibaddiisa, Wasiirka Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Mudane Sheekh Nuur Maxamed Xassan iyo Wasiirro kale oo heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed ah.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]













Click here
4/21/2019 2:53 PM EST
Axad, April, 21, 2019 (HOL) – Sidda laga soo xigtay qaar ka mid ah eheladda qoyskii dhawaan laga xaday ilmaha yar gudaha Isbitaalka SOS waxaa ugu danbeyntii lagu guuleystay in gacanta lagu dhigo haweeneydii xaday ilmaha iyadoo cunugii yaraa dib loo helay.

4/21/2019 2:36 PM EST
Axad, April, 21, 2019 (HOL) – Madaxweynaha Dowladda Hirshabelle Dr Maxamed Cabdi Waare ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay la taliye sare Dhinaca Siyaasada Wakiilka IGAD ee Soomaaliya, badda cas iyo badweynta Hindiya Mudane Cabdikariin Maxamed Daahiye oo soo gaaray xarunta Dowlad Goboleedka Hirshabelle Jowhar, waxaana ay ka wada hadleen arrimo kale duwan.

4/21/2019 11:05 AM EST
Axad, April, 21, 2019 (HOL) – Weftigii madaxweyne Biixi oo maanta dalka dib ugu soo laabta ayaa sheegay inay arrimaha ay Imaaraadka ka wada hadleen ay ka mid yihiin sidii Baanka dhexe ee Somaliland loo xoojin lahaa, sidii Hay’ad xoolaha nool u dhoofisa caalamka u wada yeelan lahaayeen Somaliland iyo Imaaraadku iyo sidii argagixisada looga wada dagaalami lahaa.

4/21/2019 9:50 AM EST
Axad, April, 21, 2019 (HOL)–Madaxwaynaha DDS Mustafe Muxumed Cumar ayaa socdaal uu ku marayay maalmahan gobolada degaanka waxaa uu ku dhagax dhigay mashruuca dhismaha Kulliyada tababarada xirfadaha iyo farsamada oo laga dhisayo degmada Raaso.

4/21/2019 8:49 AM EST
Axad, April, 21, 2019 (HOL)–Xanuunka shubanka ayaa si aad ah ugu sii fidaya magaaladaTaleex ee gobolka Sool, ka dib markii ay adkaadeen helitaanka biyo nadiif ah la cabi karo.

4/21/2019 8:20 AM EST
Axad, April, 21, 2019 (HOL)– Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland, Ahna Ku-simaha Madaxweynaha , Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa daah-furay shirka dib u eegista, soo bandhigidda, Dib u Habaynta iyo Casriyaynta Hay'addaha dowladda.

4/21/2019 4:41 AM EST
Axad, April, 21, 2019 (HOL) – Inta la xaqiijinayo 137 qof ayaa lagu soo waramayaa in ay ku dhinteen tiro kalena ay ku dhaawacmeen qaraxyo ka dhacay kaniisado iyo hoteello ku yaal dalka Sri Lanka.

4/21/2019 2:20 AM EST
Axad, April, 21, 2019 (HOL)–Wararka ka imanaya magaalada Gaalkacyo ayaa sheegaya in uu dab qabsaday saakay Bakhaar lagu keydiyo hub kaa oo ku yaala deegaan lagu magacaabo Docol 40km u jira magaalada Gaalkacyo.

4/21/2019 2:00 AM EST
Axad, April, 21, 2019 (HOL)–Dagaal culus ayaa ka qarxay koofurta magaalada Tripoli ee caasimadda dalka Liibiya ka dib markii xukuumadda ay Qaramada Midoobey taageerto ay ku dhawaaqday weerar rogaal celis ah oo ka dhan ah ciidamada uu hoggaamiyo janaraal Khalifa Xaftar ee duulaanka ku soo qadaay Tripoli.

4/21/2019 1:45 AM EST
Axad, April, 21, 2019 (HOL) –Wararka ka imanaya dalka Sri Lanka ayaa sheegaya in qaraxyo lagu weeraray Labo Kaniisadood iyo Hoteello ay sababeen dhaawacyo kala duwan sida laga soo xigtay Booliiska.

4/21/2019 1:11 AM EST
Axad, April, 21, 2019 (HOL) –Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeellaha hoose ayaa sheegaya in galinkii danbe ee shalay Qarax miino ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya lagula eegtay qeybo ka mid ah gobolka.

4/21/2019 12:14 AM EST
Axad, April, 21, 2019 (HOL)–Diyaaradaha Mareykanka ayaa duqeyn cirka ah ka fuliyay deegaan ku dhaw degmada Jamaame ee gobolka Jubbada Hoose sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay taliska AFRICOM.