3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Apr 21, 2019
Xanuunka Shubanka oo magaalada Taleex faro ba'an ku haya

 

Axad, April, 21, 2019 (HOL) – Xanuunka shubanka ayaa si aad ah ugu sii fidaya magaaladaTaleex ee gobolka Sool, ka dib markii ay adkaadeen helitaanka biyo nadiif ah la cabi karo.

Iimaan Cali Faarax oo ka mid ah hawl wadeenada caafimaadka ayaa waxaa uu HOL u sheegay in abaarta daba dheeraatay ay sababtay in la waayo biyo iyadoo ceelashii badankoodii gudheen kuwa kalena ay adkaadeen.

"37 ruux ayaan ogahay oo aan anigu dabiibkooda gacanta ku hayaa, waxaana jira dad badan oo dadkoodu la tacaalayaan" ayuu yidhi Iimaan isagoo intaa raaciyey in haatan dadka ay magaalada ka saarayaan oo Isbitaalka geynayaan si ay ugu adeegi karo.

Qaar ka mid ah bukaanka shubanku haleelay ayaa la soo gaadhsiiyey magaalada Laascaanood halka qaar kalena la geeyey magaalada Garoowe caasimada Puntland.

Ma jiro wax dhaqdhaqaaq gurmad ah oo illaa hada ay heleen dadka reer Taleex waxana ay kula tacaalayaan gurmadka goobaha gaarka loo leeyahay iyo dowooyin dhaqameed ay ka mid tahay assalka geedka Galoolka sida uu noo sheegey Maxmuud Xasan oo ka mid dadka degaankaas haatan ku sugan.

Lama sheegi karo xaqiiqada dhabta ah ee shubankan waxase dadka reer Taleex ay naawilayaan raxmaad rabi iyo gurmad degdeg ah si loo xakameeyo aafadan. 

Seynab Cabdi Warsame

[email protected]

Laascaanood G. Sool













Click here
4/21/2019 2:53 PM EST
Axad, April, 21, 2019 (HOL) – Sidda laga soo xigtay qaar ka mid ah eheladda qoyskii dhawaan laga xaday ilmaha yar gudaha Isbitaalka SOS waxaa ugu danbeyntii lagu guuleystay in gacanta lagu dhigo haweeneydii xaday ilmaha iyadoo cunugii yaraa dib loo helay.

4/21/2019 2:36 PM EST
Axad, April, 21, 2019 (HOL) – Madaxweynaha Dowladda Hirshabelle Dr Maxamed Cabdi Waare ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay la taliye sare Dhinaca Siyaasada Wakiilka IGAD ee Soomaaliya, badda cas iyo badweynta Hindiya Mudane Cabdikariin Maxamed Daahiye oo soo gaaray xarunta Dowlad Goboleedka Hirshabelle Jowhar, waxaana ay ka wada hadleen arrimo kale duwan.

4/21/2019 11:05 AM EST
Axad, April, 21, 2019 (HOL) – Weftigii madaxweyne Biixi oo maanta dalka dib ugu soo laabta ayaa sheegay inay arrimaha ay Imaaraadka ka wada hadleen ay ka mid yihiin sidii Baanka dhexe ee Somaliland loo xoojin lahaa, sidii Hay’ad xoolaha nool u dhoofisa caalamka u wada yeelan lahaayeen Somaliland iyo Imaaraadku iyo sidii argagixisada looga wada dagaalami lahaa.

4/21/2019 9:50 AM EST
Axad, April, 21, 2019 (HOL)–Madaxwaynaha DDS Mustafe Muxumed Cumar ayaa socdaal uu ku marayay maalmahan gobolada degaanka waxaa uu ku dhagax dhigay mashruuca dhismaha Kulliyada tababarada xirfadaha iyo farsamada oo laga dhisayo degmada Raaso.

4/21/2019 9:26 AM EST
Axad, April, 21, 2019 (HOL) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo daah-furay Shirka Culimada Soomaaliyeed ayaa adkeeyey in culimadu ay hormuud ka noqdaan sidii loo wacyigelin lahaa dhallinyaradeenna ay marin habaabiyeen wax uu ugu yeeray argagixisadu, kaalin muuqatana ay uga qaadan lahaayeen toosinta iyo talo-siinta dowladda.

4/21/2019 8:20 AM EST
Axad, April, 21, 2019 (HOL)– Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland, Ahna Ku-simaha Madaxweynaha , Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa daah-furay shirka dib u eegista, soo bandhigidda, Dib u Habaynta iyo Casriyaynta Hay'addaha dowladda.

4/21/2019 4:41 AM EST
Axad, April, 21, 2019 (HOL) – Inta la xaqiijinayo 137 qof ayaa lagu soo waramayaa in ay ku dhinteen tiro kalena ay ku dhaawacmeen qaraxyo ka dhacay kaniisado iyo hoteello ku yaal dalka Sri Lanka.

4/21/2019 2:20 AM EST
Axad, April, 21, 2019 (HOL)–Wararka ka imanaya magaalada Gaalkacyo ayaa sheegaya in uu dab qabsaday saakay Bakhaar lagu keydiyo hub kaa oo ku yaala deegaan lagu magacaabo Docol 40km u jira magaalada Gaalkacyo.

4/21/2019 2:00 AM EST
Axad, April, 21, 2019 (HOL)–Dagaal culus ayaa ka qarxay koofurta magaalada Tripoli ee caasimadda dalka Liibiya ka dib markii xukuumadda ay Qaramada Midoobey taageerto ay ku dhawaaqday weerar rogaal celis ah oo ka dhan ah ciidamada uu hoggaamiyo janaraal Khalifa Xaftar ee duulaanka ku soo qadaay Tripoli.

4/21/2019 1:45 AM EST
Axad, April, 21, 2019 (HOL) –Wararka ka imanaya dalka Sri Lanka ayaa sheegaya in qaraxyo lagu weeraray Labo Kaniisadood iyo Hoteello ay sababeen dhaawacyo kala duwan sida laga soo xigtay Booliiska.

4/21/2019 1:11 AM EST
Axad, April, 21, 2019 (HOL) –Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeellaha hoose ayaa sheegaya in galinkii danbe ee shalay Qarax miino ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya lagula eegtay qeybo ka mid ah gobolka.

4/21/2019 12:14 AM EST
Axad, April, 21, 2019 (HOL)–Diyaaradaha Mareykanka ayaa duqeyn cirka ah ka fuliyay deegaan ku dhaw degmada Jamaame ee gobolka Jubbada Hoose sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay taliska AFRICOM.