4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 21, 2019
Qaraxyo ka dhacay Sri Lanka oo dilay tiro ka badan 137 ruux

 

Axad, April, 21, 2019 (HOL) – Inta la xaqiijinayo 137 qof ayaa lagu soo waramayaa in ay ku dhinteen tiro kalena ay ku dhaawacmeen qaraxyo ka dhacay kaniisado iyo hoteello ku yaal dalka Sri Lanka.

Wararku waxaa ay sheegayaa in ilaa Lix qarax ay ka dhaceen dhaceen kaniisado iyo hoteello ku yaal dalkaasi, xilli lagau guda jiro ciidda Masiixiga ee Easter.

Qaraxyada ayaa la sheegayaa in ay ka dhaceen kaniisado ku yaal degmooyinka Kochchikade, Katuwapitiya iyo Batticaloa.

Saddex qarax oo kale ayaa lagu soo waramayaa in ay ka dhaceen hoteellada Shangri La, Cinnamon Grand iyo Kingsbury oo dhammaantood ku yaal bartamaha magaalada caasimadda ah ee Colombo.

Ilo wareedyo ayaa wakaaladda wararka ee AFP u sheegay in ugu yaraan 80 qof oo dhaawac ah la dhigay isbitaallada Colombo

Maanta oo Axad ah ayaa masiixiyiinta caalamka waxa ay xusayaan ciidda masiixiga ee Easter.

Sawirro la soo dhigay baraha xiriirka bulshada ayaa muujinayay dhiig daadsan mid ka mid ah kaniisadaha la weeraray.

Warbaahinta maxalliga ah ee dalka Sri Lankan ayaa sheegaya in dalxiiseyaal shisheeye ay suurtagal tahay in ay ka mid yihiin dadka ay dhibaatada ka soo gaartay qaraxyadani.

Madaxweynaha dalkaasi Maithripala Sirisena ayaa warbixin qoraal ah oo uu soo saaray waxa uu shacabka ka codsaday in ay is dejiyaan oo ay baaritaannada ka caawiyaan laamaha ammaanka.

Wasiirka maaliyadda ee Sri Lanka Mangala Samaraweera ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter waxa uu ku sheegay in weerarradani ay u muuqdaan kuwo aad loo soo qorsheeyay oo looga gollahaa dil, jahawareer iyo xasilloonidarro. Waxa uu intaa ku daray in weerarradaasi lagu laayay dad badan oo aan waxba galabsan.

Dalkaasi Sri Lanka waxaa u badan dadka aaminsan diinta Buudiistaha, waxaana dhawr jeer ay rabshado dhex mareen Muslimiinta iyo Buudiistaha. Rabshado dhacay bishii Maarso ee anadkii 2018 ayaa Buudiistuhu waxay gubeen masaajidda iyo hantida dadyowga Muslimiinta ahi, arrintaa oo sababtay in waddanka la geliyo xaalad deg deg ah.

Sidoo kale waxaa jirtay cabsi ah in maleeshiyaadka kooxda la baxday dowladda Islaamka ee Daacish ay halis ammaan ka abuuraan dalkaasi Sri Lanka.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]