4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Apr 21, 2019
Galmudug : Dab ka kacay Bakhaar hubka lagu keydiyo

 

Axad, April, 21, 2019 (HOL) – Wararka ka imanaya magaalada Gaalkacyo ayaa sheegaya in uu dab qabsaday saakay Bakhaar lagu keydiyo hub kaa oo ku yaala deegaan lagu magacaabo Docol 40km u jira magaalada Gaalkacyo.

Goob-joogayaal ayaa warbaahinta u sheegay in dabka uu ka dhashay koronto, kaa oo saameyn weyn ku yeeshay qeybo ka mid ah Bakhaarka, taasoo keentay in ay qarxaan qaar ka mid ah hubkii halkaa ku keydsanaa.

Ilaa iyo hadda ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dhinaca maamulka Galmudug oo ku aadan dabka`ka kacay Bakhaarkan ku yaalay deegaanka Docol ee Gobolka Mudug.

Sidoo kale lama soo sheegin wax khasaare nafeed ah oo ka dhashay dabkan oo ahaa mid xooggan.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]