4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Apr 21, 2019
Askar ku dhimatay Qarax miino gobolka Shabeellaha hoose

 

Axad, April, 21, 2019 (HOL) –Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeellaha hoose ayaa sheegaya in galinkii danbe ee shalay Qarax miino ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya lagula eegtay qeybo ka mid ah gobolka.

Inta la xaqiijinayo Labo askari oo ka tirsan ciidamada dowladda ayaa ku geeriyooday qarax miino loogu aasay wadada meel dulleedka ah deegaanka lagu magacaabo Sabiid ee gobolka Shabeellaha hoose sida ay warbaahinta u sheegeen dadka deegaanka.

Qaraxa ayaa la sheegay in uu qabsaday gaari nooca dagaalka oo ay la socdeen ciidamada dowladda kuwaa oo ku sii jeeday xaro tababar uu uga socday ciidamo kale oo ka tirsan dowladda Soomaaliya.

Sidoo kale waxaa la sheegayaa in ciidamo ka tirsan Milateriga oo ku sugan deegaanka Sabiid lala eegtay qarax miino, xilli ay ku guda jireen dhaq dhaqaaqyo ciidan, lama soo sheegin khasaaraha soo gaaray.

Ilaa iyo hadda ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dhinaca saraakiisha Laamaha Amniga oo la xiriira qaraxa lala eegtay ciidamada dowlada.

Madaxweyne Farmaajo ayaa maalin hor booqday qeybo ka mid ah gobolka Shabeellaha hoose, isaga oo ciidamada ku booriyay in ay sii wadaan dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]