4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Apr 21, 2019
Mareykanka oo duqeyn kale ka fuliyay qeybo ka mid ah Soomaaliya

 

Axad, April, 21, 2019 (HOL) –Diyaaradaha Mareykanka ayaa duqeyn cirka ah ka fuliyay deegaan ku dhaw degmada Jamaame ee gobolka Jubbada Hoose sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay taliska AFRICOM.

Qoraal lagu daabacay bogga Twitter –ka ee taliska Africom ayaa lagu yiri’’ Labo sanadood ka hor ka hor Al-Shabaab ay heysatay xornimo dhinaca dhaqdhaqaaqa ah, taasoo ka caawineysay inay barakiciyaan oo ay argagixiyaan shacabka Soomaaliyeed ee ku nool dooxada wabiga Jubba, iyo meelaha ku dhow dhow Kismayo, laakiin maanta meelahaasi oo dhan waxaa laga sameeyay fariisimo ciidan oo u diiday Al-Shabaab inay si xor ah weeraro u abaabulaan.

War ka soo baxay Taliska ciidamada Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) ayaa lagu sheegay in duqeynta oo dhacday shalay lagu dilay labo dagaalyahan oo ka mid ah Al-shabaab.

Howlgalka ayaa sidoo kale waxaa barbar socday mid dhulka ah oo ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda Soomaaliya u suurtageliyay inay Al-shabaab ka saaraan Jiinka wabiga Jubba.

Dhawaan ayeey aheyd markii Mareykanku duqeyn uu ka fuliyay deegaanno dhaca Bariga Soomaaliya uu ku dilay ku-xigeenkii hoggaamiyaha Ururka Daacish ee Soomaaliya.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]