Maxkamadda gobolka Maroodi Jeex oo amartay in dacwadda wariye Coldoon lagu qaaddo gobolkii laga soo qabtay
Sabti, April, 20, 2019 (HOL) – Wariye
Cabdimaalik Muuse Coldoon oo maanta la geeyey maxkamadda gobolka Maroodi
jeex si rumaan looga qaato inta kiiskiisa ay baadhayaan, ayaa ka diiday
inay rumaansiiso iyado ku dooday in dacwadiisa lagu qaado gobolkii laga soo
kaxeeyey iyo in aanu bixin amarka soo qabashada wariyaha.
Maxkamadda gobolka Maroodi jeex ayaa iska
leexisay in ay iyadu amartay soo qabashada wariye Coldoon, waxaanu sheegay in
amarkaasi aanay iyadu lahayn, isla markaana aanay awood u lahayn inay
dacwadiisa gasho maxkamada gobolka Maroodi jeex maadaama oo gobolka laga keenay
ay ka jiraan maxkamadihii gobolka.
Sidaas waxa warbaahinta u sheegay garyaqaankiisa
Mubaarak Cabdi Ismaaciil oo kiiskiia la socday, waxaanu yidhi “saaka
maxkamda gobolka Maroodi jeex baa la hor keenay, si ay Ciidankii soo qabtay uga
qaataan rumaan, wuxuu gudoomiyaha maxkamada gobolka Maroodi jeex u diiday inuu
siiyo waraaqda rumaanka laba sababdood darteed, qaabka loo soo xidhay oo
aan sharci ahayn oo aanu bixin amarka qabashada, taas oo gudoomiyaha
gobolku uu iska bari yeelayey iyo arrinta labaad oo ah in laga soo xidhay gobolka
Togdheer oo ay joogaan maxkamadihii gobolku oo aanay sharci ahayn in ay
Hargeysa lagu qaado dacwadiisa mar hadi aanay maxkamada sare soo wareejin gal
dacwadeedkiiskan”.
Sidoo kale, maxkamadda gobolka Maroodi jeex waxay
amartay in dhakhtarka la geeyo si loo eego dhibaato ka soo gaadhay markii uu
ciidanka ka baxsanayey iyo in loo ogolaado in ehelkiisa iyo garyaqaankiisuba
booqan karaan maxbuuska.
Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland.