4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Apr 2 , 2019
Taliska Booliiska oo sheegay in 23 Askari musuq maasuq loo xiray

 

Talaado, April, 02, 2019 (HOL)– Taliska Booliiska Soomaaliya ayaa sheegay howlgallo ay sameeyeen ay ku soo qabten askar ka tirsan ciidamada Booliiska oo ku eedeysan musuqmaasuq.

Zakiya Xuseen Axmed taliye ku xigeenka ciidamadda Booliiska Soomaaliyeed ayaa sheegtay in la xiray 23 Askari oo ka tirsan ciidanka Booliiska Soomaaliyeed.

Waxaa ay sheegtay in dadka la xiray lagu soo eedeeyay falal la xariira musuq maasuq, islamarkaana dhawaan caddaaladda la horkeeni doono.

Waxaa ay ugu baaqday bulshadda Soomaaliyeed in ay la shaqeeyaan hay’addaha Ammaanka ee dalka si loo xaqiijiyo ammaanka.

Ciidamada dowladda gaar ahaan kuwa Booliiska ayaa inta badan lagu eedeeyaa in ay ku kacaan falal la xiriira musuq maasuq iyo qaadasho lacago laaluush ah, waxaana ay dowladdu marar badan oo hore sheegtay in xabsiga la dhigay askar arintaa lagu soo eedeeyay.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]