3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Apr 2 , 2019
Wefti safiiro reer Yurub ah oo galabta soo gaadhay magaaladda Hargeysa

 

Talaado, April, 02, 2019 (HOL)– Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wefti safiirro ah oo ka socda dalalka Denmark, Switzerland, Finland, Norway, Sweden, Uk iyo Safiirka Midawga Yurub.

Kulankan oo ka qabsoomay qasriga madaxtooyada, ayaa waxa madaxweynaha ku wehelinayey madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Saylici, waxaana lagaga wada hadlay arrimo ay ka mid yihiin doorashooyinka iyo xaaladda abaareed ee jirta.

Wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah, Prof. Maxamuud Yaasiin Xiir (Faratoon) oo ujeedadda kualnkan ka hadlay ayaa hadalkiisa ku bilaabay “Weftigu waxa ay u yimaaddeen inaannu is weydaarsanno afkaar ku saabsan arrimaha badan ee mandaqadda ka jira iyo xidhiidhka Somaliland iyo dalalkaasi ay leeyihiin sidii hore loogu marin lahaa, la isu xog-ogaalsan lahaa, la isuna dhaafsan lahaa wixii macluumaad ah iyo wixii afkaar ah ee loo baahan yahay in laga wada-hadlo, haddii ay siyaasad tahay, haddii ay dhaqaale tahay, haddii ay gargaar tahay iyo haddii ay nabadgelyo tahayba, dhinac walba waa laga wada-hadlay si wanaagsanna waa la isugu afgartay dhammaan arrimihii laga wada hadlay.”

Ambassador mette Knudsen oo ah safiirka waddanka Denmark ayaa sheegay inay madaxweynaha kala hadleen muhiimadda ay leedahay ilaalinta sumcadda ay Somaliland ku leedahay dunida ee dhinaca doorashooyinka iyo Dimuqraaddiyadda, waxaanay tilmaameen inay arrimihii xaga doorashooyinka ee madaxweynaha kala hadleen uu la qaatay.

Sidoo kale, waxa ay safiirku sheegtay in waxyaabihii kulanka diiradda ku saareen ay kamid ahaayeen xaaladda bani’aadamnimo ee ay sababeen abaaraha ka jira gobollo kamid ah dalka Somaliland ka taagan iyo barnaamijyada dhinaca horumarka ee dalalka reer yurub ka wadaan Somaliland.

Weftigan oo ahaa mid culus waxay wararku sheegayeen inay aad uga hadleen arrimaha doorashooyinka oo la filayey inay dhacdo dhamaadka sanadkan, waxaanay ka socday dalalka Yurub, kuwaas oo bixiya inta ugu badan dhaqaalaha doorashada lagu gallo.

Kulankan waxa madaxweynaha ku wehelinayey wasiirrada wasaaradaha arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah, Prof. Yaasiin Maxamuud Xiir, arrimaha gudaha, Mudane Maxamed Kaahin Axmed, Horumarinta Maaliyadda, Mudane Sacada Cali Shire iyo Qorshaynta iyo horumarinta qaranka, Mudane Cawaale Ibraahim Shirwac.

Dhinaca Xubnaha weftigu waxay kala ahaayeen: Safiirka Denmark, Amb. Mette Knudsen, Safiirka midawga yurub Pencho Garrido Ruiz, Safiirka dalka Ingiriiska Amb. Ben Fender, Safiirka Dalka Sweden, Amb. Andreas Von Uexkull, , safiirka Dalka Norway, Amb. Elin Bergithe Rognilie oo ay wehelinayeen masuuliyiin ka socday safaaradaha dalalkaas iyo madax sare oo iyagu ka socday dalalka Finland iyo Switzerland. 

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland.













Click here
4/2/2019 4:00 PM EST
Talaado, April, 02, 2019 (HOL)– Taliska Booliiska Soomaaliya ayaa sheegay howlgallo ay sameeyeen ay ku soo qabten askar ka tirsan ciidamada Booliiska oo ku eedeysan musuqmaasuq.

4/2/2019 10:03 AM EST
Talaado, April, 02, 2019 (HOL)– Waxaa maata magaalada Muqdisho lagu qabtay doorashada kursigii Golaha Shacabka ee uu ka geeriyooday alle ha u naxariisteen Ex Xildhibaan Cismana Cilmi Boqorre oo lagu dilay magaalada Muqdisho.

4/2/2019 9:43 AM EST
Talaado, April, 02 2019 (HOL) – Xukuumadda Somaliland ayaa ka hadlay muranka ka taagan qabsoomida doorashooyinka loo qorsheeyey inay dhacaan dhamaadka sanadkan 2019-ka.

4/2/2019 9:37 AM EST
Talaado, April, 02, 2019 (HOL)- Madaxweyne ku-xigeenka Puntland, Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socda Bangiga Adduunka oo ay hoggaaminayso madaxa mashaariicda tayaynta iyo maamuul wanaagga ee Bangiga Adduunka u qaabilsan Bariga Afrika Mss Nicola Smither.

4/2/2019 9:28 AM EST
Talaado, Apriil,0 2, 2019 (HOL)- Laba qof ayaa ku geeriyooday qof kalena wuu ku dhaawacmay ka dib markii dabqabsaday xaafad isku raran ah oo ay degan yihiin dad barakacayaal ahi, oo ku taala bariga magaalada Hargeysa, oo la yidhaa Istaanbuul.

4/2/2019 7:30 AM EST
Talaado, April, 02, 2019 (HOL)- Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni oo booqashadii u horreysay ku jooga magaalada Boosaaso, ayaa la kulmay qaar ka mid ah dhallinyarada gobolka Bari.

4/2/2019 6:13 AM EST
Talaado, April, 02, 2019 (HOL)– Kulankii Afraad ee ay yeesheen Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare iyo Wasaaradaha Waxbarashada Dowlad Goboleedyada ayaa lagu qabtay Magaalada Baydhabo, intii u dhaxeysay 30ka Maarso ilaa 1da Abriil 2019. Shirkan waxaa ka soo qeyb-galay Wasiirada, Agaasimeyaasha guud iyo agaasime-waaxeedyada iyo farsamo yaqaannada wasaaradaha.

4/2/2019 2:17 AM EST
Talaado, April, 02, 2019 (HOL)– Wararka naga soo gaaraya soo gaaraya gobolka Shabeellaha ayaa sheegaya in ciidamada dowladda Soomaaliya la kala wareegeen xoogagga Al-shabaaab deegaanka Sabiib oo hoostaga degmada Afgooye.

4/2/2019 1:24 AM EST
Talaado, April, 02, 2019 (HOL)–Danjiraha dowladda Soomaaliya ee dalka Belgium –ka Cali Saciid Fiqi ayaa faah faahin deeraad ah ka bixiyay dadaalka dowladda Soomaaliya ugu jirto sidii loo aqoonsan lahaa Basaboorka Soomaaliya.

4/2/2019 12:37 AM EST
Talaado, April, 02, 2019 (HOL) – Iyadoo labo kulan uu yeelan lahaayeen xildhibaannada Golaha Shacabka u baaqdeen khlaaf ka dhashay Ajandaha ay tahay in uu goluhu ku dooddo, ayaa kulan gaar ah oo ay ku yeesheen Muqdisho guddiga joogtada ah ee Golaha Shacabka waxaa looga hadlay sidii leys kula meel dhigi lahaa ajandaha kulamada Golaha Shacabka ee soo socda.

4/2/2019 12:24 AM EST
Talaado, April, 02, 2019 (HOL)-Guddoomiyaha Aqalka sare ee Soomaaliya Cabdi Xaanshi Cabdullaahi ayaa ku eedeeyay Aqalka hoose [Golaha Shacabka] in ay cag-jiidayaan dhameynta khilaafka wada shaqeyn la’aaneed ee u dhaxeeya labada Aqal, kaddib khudbad uu maalintii shalay ka jeediyay furitaanka Kalfadhigii 5aad ee Golaha Aqalka sare.