4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Apr 2 , 2019
Xildhibaan ka mid noqonaya xubnaha Golaha Shacabka Soomaaliya oo lagu doortay Muqdisho

 

Talaado, April, 02, 2019 (HOL)– Waxaa maata magaalada Muqdisho lagu qabtay doorashada kursigii Golaha Shacabka ee uu ka geeriyooday alle ha u naxariisteen Ex Xildhibaan Cismana Cilmi Boqorre oo lagu dilay magaalada Muqdisho.

Doorashada ayaa waxaa ku tartamaya Cadnaan Cismaan Cilmi Boqore oo uu dhalay Marxuum Cismaan Cilmi Boqore iyo Axmed Cismaan Xaashi,waxaana kursiga ku guuleystay Cadnaan Cismaan Cilmi Boqore.

51 Ergo ayaa codkooda dhiibtay,waxaana ay u kala heleen musharixiinta Cadnaan Cismaan Cilmi Boqore oo helay 48 Cod halka Axmed Cismaan Xaashi uu helay 2 Cod, hal cod wuu halaabay,waxaana Guddiga doorashada ay ku dhawaaqeen in kursiga Xildhibaanimo uu ku guuleystay Cadnaan Cismaan Cilmi Boqore.

Alle ha u nxariisteen Cismaan Cilmi Boqorre waxaa uu ahaa rug cadaa muddo dheer ku soo dhax jiray nidaamka dowladnimada dalka, tan iyo wixii ka danbeeyay burburkii dowladdii dhexe waxaa uu ka mid ahaa odayaashii siyaasada ee sida weyn uga soo dhax muuqday dowladihii isaga danbeeyay dalka waxaa Muqdisho lagu dilay 23kii Bishii Febaraayo Sanadkan 2019.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]