4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Apr 2 , 2019
Xukuumada Somaliland oo ka hadashay muranka ka taagan qabsoomida doorashada xildhibaanada Wakiilada

Talaado, April, 02  2019 (HOL) – Xukuumadda Somaliland ayaa ka hadlay muranka ka taagan qabsoomida doorashooyinka loo qorsheeyey inay dhacaan dhamaadka sanadkan 2019-ka.

Xukuumaddu waxay sheegtay hadii doorashadaasi dhici waydo sanadkan inay ceeb ku tahay qaranka iyo sharciga dalka u yaalla, haseyeeshee wali saddexda xisbi kuma heshiin caqabadaha hor yaalla inay doorashaddu dhacdo sanadkan.

“Mudada Guddida doorashooyinka waxa uu ku eeg yahay November 29,2019, cidina kama qaadi karto iyagoo is casiliya mooyee, guddidaasi hawl fiican bay qabteen ee ha lagu ixtiraamo, mudadii ay qabsadeen inay ku qaban karaan doorasahda waxay ahayd toban bilood turtaba laba bilood baa ka tagay oo waxa u hadhsan sideed bilood marka waa inay ku soo ururiyaa sideedaasi bilood shaqooyinkii ka horeeyey doorashooyinka ee diiwaangalinta codbixiyeyaashu u horeyso”ayuu yidhi wasiirka Arrimaha Gudaha Maxamed Kaahin oo ka hadlayey muranka ka taagan qabsoomida doorashada golaha wakiilada iyo deegaanka.

Wasiirku waxa uu sheegay in marka muddo xileedkoodu  dhamaatay bisha November 29-keeda ee shaqadii sii wada qabtaan afar iyo toban cisho ee ka hadhsan doorashada in loogu daro si ay u dhamaystiraan qabsoomida doorashadda, taas oo ay isku fahmi laayihiin xisbiyada mucaaradka.

Xisbiyada mucaaradka ayaa iyagu doonaya in la kala diro guddida doorashooyinka oo la magacaabo guddi cusub oo doorashadaasi qabata.

“Laba dariiqo oo kaliya uun baa furan mid sadexaad ma furna komishanak wakhtigoodii wuu dhamaadee mid cusub ha la magacaabo iyo in afar iyo tobanka cisho ee wakhtigii loo cayimay doorashada dheer muddo xileedkoodda lagu daro”ayuu hadalkiisa raaciyey.

Sidoo kale, wasiir Kaahin waxa uu ka hadlay muddo xileedka goleyaasha deegaanka oo dhamaaday, waxaanu sheegay in xukuumaddu go’aamin doonta muddo xileedka dhamaaday siday u dhaqmi doonaan oo sharciga loo eegi doonno.

Dhinaca kale, waxa wasiirka wax laga waydiiyey wararka sheegay in ganacsade Axmed Cismaan Geelle dawlada Jabuuti soo dalbatay in loo soo qabto, waxaanu wasiirku sheegay in aanay waxba ka jirin oo aanu arag waaran soo qabasho ah oo wasaaradda loo keennay, waxaanu ku tilmaamay been abuur ujeedooyin kale laga leeyahay.

“Ma hayno waarankaasi, wasiirka Daakhliga aniga ah oo anigu iigu hor iman lahaa, arrinkaasi waa la been abuurayaa, ganacsadaha meel baa lagaga dhacaya, cidda sheegaysa waa cid sheeko been abuur iyo ujeedooyin kale ka leh.”ayuu yidhi Kaahin.

Ganacsade Axmed Cismaan Geelle ayaa warar lagu tilmaamay been abuur la sheegay inay dawladda Jabuuti dalbatay in loo soo gacan galiyo maadaama oo hanti isku hayaaan ganacsadaha iyo xukuumadda Jabuuti.

Barkhad-ladiif  M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland.