4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Apr 2 , 2019
Wafdi ka socda Bangiga adduunka oo maanta soo gaaray Garoowe


Talaado, April, 02, 2019 (HOL)- Madaxweyne ku-xigeenka Puntland, Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socda Bangiga Adduunka oo ay hoggaaminayso madaxa mashaariicda tayaynta iyo maamuul wanaagga ee Bangiga Adduunka u qaabilsan Bariga Afrika Mss Nicola Smither.

Ujeeddada waftigan u yimaadeen Puntland ayaa ah sidii la isaga xog waraysan lahaa mashaariicda muhiimka ah ee uu Bangiga Adduunku ka taageero maamulka iyo sida ay uga faa'iideysatey Puntland, isla markaana loo sii dardargelin lahaa mashaariicdaasi.

Madaxweyne ku-xigeenka Puntland ayaa soo dhoweeyey wafdiga , waxaana uu uga mahadceliyey mashaariicaha wax ku oolka ah ee uu Bangiga adduunku ka taageero Puntland isagoona u xaqiijiyey in ay Puntland si wanaaagsan uga faa'iideysatey.

Sidoo kale,Madaxweynuhu wuxuu ka codsaday Bangiga Adduunka inay sii wadaan taageerada ay la garab taaganyihiin Puntland oo ay kamid yihiin Mashaariicda RCRF Mashruuca hannaanka bixinta Mushaharaad, PFM Mashruuca horumarinta hannaanka Maaliyadda iyo CIP Tayaynta Hay’adaha dowladda oo isaga ay si gaar ah u codsatay dowladdu in muddo kordhin loo sameeyo.

Mashaariicdan iyo kuwo kale ayuu kala hadlay Madaxweyne ku xigeenku, isagoona ku boggaadiyey sida wanaagsan ee Bangiga Adduunku ula tacaamulo Puntland, isla markaana waxa uu ku booriyey in ay wada shaqayn wanaagsan sii yeelan doonaan dowladduna ay ka faa'iidaysan-doonto mashaariicdaasi.

Gabagabadii, Mss Nicola Smither ayaa sheegtay inay sii wadi doonaan guud ahaan mashaariicda maaddaama ay maamulka dhankiisa uu diyaar la yahay sidii ay uga faa'iideysan lahaayeen, sidoo kale waxay xustay inay codsiyada dowladdana waxka qaban doonaan.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]