4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Apr 2 , 2019
Madaxweynaha Puntland oo la kulmay dhallinyarada gobolka Bari


Talaado, April, 02, 2019 (HOL)- Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni oo booqashadii u horreysay ku jooga magaalada Boosaaso, ayaa la kulmay qaar ka mid ah dhallinyarada gobolka Bari.

Kulankan uu Madaxweynuhu la qaatay dhallinyarada ayaa waxaa qayb ka ahaa maamulka gobolka Bari kan Degmada Boosaaso, mas'uuliyiin ka tirsan xukuumadda Puntland, Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland, xildhibaanno ka tirsan golaha deegaanka degmada Boosaaso iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland.

"Waxaa noo qabsoomay shir uu Madaxweynaha Puntland la yeeshay dhammaan Hal-doorka dhallinyarada, aqoon-yahaniinta iyo qaybaha kale ee dhallinyarta, shirkaasi waxaa looga wadahadlay xaaladda amniga magaalada Boosaaso, sidii laysaga kaashan lahaa xagga horumarka iyo hiigsiga dowladda". ayuu yiri duqa degmada Boosaaso Cabdisalaan Bashiir  oo inta ku daray "Shirkaasi wuxuu Madaxweynuhu ku faahfaahiyey qorshaha Xukuumadda hiigsanayso, Sidoo kale dhallinyradu waxay soo jeediyeen aragtida ay qabaan, waxyaabaha ay kusoo biirinayaan dowladda oo talo iyo tusaale ah, shirkaasi wuxuu kusoo dhammaaday jewi degan oo quruxbadan". 

Madaxweynaha Puntland, Siciid Deni ayaa sidoo kale la kulmi doona qaybaha bulshada magaalada Boosaaso ,muddada uu ku suganyahay magaalada dekedda leh ee Boosaaso.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan.com
[email protected]