4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Apr 2 , 2019
Dowladda Soomaaliya oo la wareegtay deegaan ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose

 

Talaado, April, 02, 2019 (HOL)– Wararka naga soo gaaraya soo gaaraya gobolka Shabeellaha ayaa sheegaya in ciidamada dowladda Soomaaliya la kala wareegeen xoogagga Al-shabaaab deegaanka Sabiid oo hoostaga degmada Afgooye.

Ciidamada dowladda ee oo shalay shalay gelinkii dambe la wareegay deegaanka Sabiib ayaa saacadihii ugu danbeeyay howlgallo ka wada deegaanka.

Saraakiisha ayaa dowladda ayaa sheegay in la wareegida deegaanka iyo howlgallada ka socday yihiin kuwo muhiim u ah ka hortaga qaraxyada ay halkaa ku diyaariyaan.

Al-Shabaab ayaa isaga baxay deegaanka waxaana dadka deegaanka ay sheegayaan in ay ka cabsi qabaan dagaalo ka dhaca deegaanka, inkastoo xaalada tahay mid degan.

Dhinaca kale ciidamada Kumaandooska ee Danab ayaa dhaq dhaqaaqyo ciidan ka wada deegaano ka tirsan degmada Afgooye, iyagoo qorsheynaya inay weerar ku qaadaan deegaanada Shabaabka ka taliyaan ee hoostaga Afgooya.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]