4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 2 , 2019
Danjire Cali Saciid Fiqi oo faah faahin dheeraad ah ka bixiyay aqoonsiga Basaboorka Soomaaliya

 

Talaado, April, 02, 2019 (HOL)–Danjiraha dowladda Soomaaliya ee dalka Belgium –ka Cali Saciid Fiqi ayaa faah faahin deeraad ah ka bixiyay dadaalka dowladda Soomaaliya ugu jirto sidii loo aqoonsan lahaa Basaboorka Soomaaliya.

Wuxuu sheegay danjire Fiqi in ay la fariisteen wada hadalo arintan ku saabsanna la yeesheen dowladdo dhowr ah ka tirsan qaarrada Yurub kuwaa oo bilaabay sida uu hadalka u dhigay in ay si hor dhac u aqoonsadaan qeybo ka mid ah Basaboorka Soomaaliya.

‘’Hadda waxa la aqoosaday waa Basaboorrada Shaqaalaha iyo Kan Diblomaasiga [Diplomatic and Service Passports], waxaa ay noo balanqaadeen in marka danbe ay si toos ah u aqoonsan doonaan Basaboorka caadiga ee Soomaaliya’’ ayuu yiri danjire Fiqi.

Wuxuu sheegay in dowladdah Netherland iyo Sweden ay u socdaan wada hadalo fiican islamarkaana balanqaadeen in ay sida ugu dhaqsiyaha badan jawaab uga bixin doonaan ogolaashaha Basaboorka.

Dowladda Belgium-ka ayuu sheegay in bisha January ee sanadka 2020 qorsheedu yahay in ay aqoonsato Basabooorka Soomaaliga.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]