4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Apr 2 , 2019
Diyaarinta Ajandayaasha kulamada Golaha Shacabka oo laga wada hadlay

 

Talaado, April, 02, 2019 (HOL) – Iyadoo labo kulan uu yeelan lahaayeen xildhibaannada Golaha Shacabka u baaqdeen khlaaf ka dhashay Ajandaha ay tahay in uu goluhu ku dooddo, ayaa kulan gaar ah oo ay ku yeesheen Muqdisho guddiga joogtada ah ee Golaha Shacabka waxaa looga hadlay sidii leys kula meel dhigi lahaa ajandaha kulamada Golaha Shacabka ee soo socda.

Xoghayaha guud ee golaha shacabka oo kulanka kaddib la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in xubnaha Guddiga joogtada ah ay aad uga hadleen sidoo kalena ay falan-qeeyeen dejinta iyo u diyaar garowga sidii loo dejin lahaa Ajendayaasha kulamada la filayo in fadhigan ay u qabsoomaan golaha,

Xoghayaha ayaa intaa ku daray in laga wada hadlay ilaalinta waqtiga kulamada Barlamaanka taasi oo si aad ah loo adkeyn doono maadaama labo Kulan oo kal-fafhigan 5aad ay u baaqdeen kooram la’aan Xillibaanadda ah si loo dardar geliyo hawlaha sharci dejineed ee golaha shacabka.

Qaar ka mid ah xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa ku eedeeyay guddoonka in uu mari-habaabinayo golaha iyaga oo sheegay in shaqada ugu weyn ee Golaha hortaala tahay ka dooddista xaalada Amniga ee dalka iyo la xisaabtanka xukuumadda oo sida ay hadalka u dhigeen laga war-wareegayo.

Labo kulan oo si xigay kalfadhiga Shanaad ee Golaha Shacabka ayaan qabsoomin sababo la xiriira khilaaf u dhaxeeya xildhibaannada Golaha Shacabka oo ku kala aragti duwan Ajandaha looga dooddayo kulamada ugu soo horeeya ee Golaha Shacabka.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]