4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Apr 2 , 2019
Guddoomiye Cabdi Xaanshi oo sheegay in uu jiro khilaaf u dhaxeeya labada Aqal ee dalka

 

Talaado, April, 02, 2019 (HOL) - Guddoomiyaha Aqalka sare ee Soomaaliya Cabdi Xaanshi Cabdullaahi ayaa ku eedeeyay Aqalka hoose [Golaha Shacabka] in ay cag-jiidayaan dhameynta khilaafka wada shaqeyn la’aaneed ee u dhaxeeya labada Aqal, kaddib khudbad uu maalintii shalay ka jeediyay furitaanka Kalfadhigii 5aad ee Golaha Aqalka sare.

Guddoomiye Cabdi Xaanshi ayaa sheegay in uu dadaal badan ku bixiyey sidii ay u wada-shaqeyn lahaayeen labada Aqal, islamarkaana qoraalo arintan ku saabsan uu u diray madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Prof Jawaari iyo kan hadda Maxamed Mursal, balse qoraaladaasi aan wax jawaab ah laga bixin.

Waxaa uu intaasi ku daray hadalkiisa in Aqalka Sare uu diyaar u yahay in waxwalba oo dhaawici kara wadashaqeyn wadahadal lagu xaliyo, balse uu Golaha Shacabka ka waayey in uu la qaato arrintaas.

Xildhibaanada labada Aqal ayaa waxaa haatan ka dhaxeeya khilaaf, iyada oo Golaha Aqalka sare ay xiriirka wadashaqeyn ay u jareen Golaha Shacabka,waxaana xusid mudan in dhowr bil ka hor uu Madaxweyne Farmaajo sheegay in uu xalinaayo balse aysan suurtagelin.

Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaan ka qeybgalin furitaankii labo Kalfdhi uu is xigay ee Aqal Sare, waxaana maalintii shalay munaasabada ka qeybgalay ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Xassan Cali Kheyre oo sheegay in uu wakiil ka yahay madaxweynaha.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]