4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 18, 2019
Dowladda oo geysay qeybo ka mid ah Isgoysyada Muqdisho ciidamada ka hortaga rabshadaha

 

Khamiis, April, 18, 2019 (HOL) –Dowladda Soomaaliya ayaa geysay qeybo ka mid ah Isgoys-yada muhiimka ah magaalada Muqdisho ciidamo cusub oo ah kuwa rabshadaha ka hortaga oo maalintii shalay la soo bandhigay.

Isgoysyadan lagu arkayo ayaa waxaa ka mid ah Dabka, Afarta Darjiino, Sanca,  Banaadir iyo Isgoys-yo kale oo waaweyn oo ku yaalla magaalada Muqdisho.

Dowladda ayaa maalintii shalay soo bandhigtay ciidamadan oo sitay astaanta lagu garto ciidamada rabshadaha ka hortago, iyadoo siweyn loo hadal hayay dibadbax maanta lagu waday in uu ka dhaco magaalada Muqdisho.

Maagalada Muqdisho waqtigan kama jiraan wax dibadbaxyo ah, iyada oo dadka iyo gaadiidka ay si caadi ah u socdan, sida ay sheegayaan qaar ka mid ah wariyeyaasheena oo soo maray degmooyin ka tirsan Gobolkan Banaadir.

24kii saac ee la soo dhaafay waxaa siweyn u qabsaday baraha bulshada fariimo dadku isku gudbinayeen oo ay isugu baaqayaan in laga soo qeybgalo dibadbax weyn oo ka dhaca Muqdisho, waxaana arintan siyaabo kala duwan uga hadlay mas’uuliyiinta dowladda, siyaasiyiin iyo qaar ka mid ah culimada oo ku tilmaamay dibadbaxa la qaban qaabinayo mid aan loo baahneyn.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]