4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Apr 17, 2019
Dowladda oo diyaarisay ciidamada rabshadaha ka hortaga iyo dibadbax laga cabsi qabo maalinta berri ah

 

Arbaco, April, 17, 2019 (HOL)– Dowladda Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay maanta magaalada Muqdisho ku soo bandhigtay ciidamada gaarka ah ee ka hortaga rabshadaha iyo dibadbaxyada, iyadoo dhan kalana maalinta berri ah laga cabsi qabo dibadbax ballaaran oo ka dhaca magaalada Muqdisho.

Baraha ay bulshadu ku wada xiriiraan gaar ahaan Facebook –ga ayaa saacadihii la soo dhaafay waxaa qabsaday fariimo ay isku dirayaan dadka oo isugu baaqay ka soo qeybgalka dibadbax ballaaran oo looga soo horjeedo dowladda Soomaaliya kaa oo maalinta berri ah sida lagu sheegay qoraalada ka dhacaya Muqdisho.

Lama oga ilaa iyo hadda cidda leh abaabulka dibadbaxan lagu baaqay hasse ahaatee siyaasiga Salaad Cali Jeelle oo shir jaraa’id xalay ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa ku eedeeyay mucaaradka dowladda in ay arintan gadaal ka riixayaan.

Walaaca laga qabo fal calinta ka dhalan karta haddii ay dibadbaxyadan dhacaan ayaa sidoo kale ah arin bulshada walwal ka muujineyso.

Dadka qaar ayaa dibadbaxyadan lagu baaqay ku sheegay in ay yihiin kuwo nabdoon oo looga soo horjeedo oo kaliya tacadiyada ay ciidamada u geystaan shacabka, gaar ahaan Dhalinyarada bajaajta ku shaqeysata, oo bilihii la soo dhaafay ay ciidamada toogasho ku dileen dhalinyaro badan.

Muqdisho oo markii horeba magan u aheyd qaraxyo iyo dilal qorsheysan ayaa hadda la oran karaa waa ugu biiraya dibadbaxyo aan horay looga baran oo shacabku ku muujinayaan dareenkooda, si la mid ah kii dhacay Sabtidii aynu soo dhaafnay oo ay ku dhinteen in ka badan 6 ruux oo shacab ah.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]