4/21/2019
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Apr 17, 2019
Trump oo ku gacan seyray qaraar ka dhan ahaa boqortooyada Sacuudiga


 

Arbaco, April, 17, 2019 (HOL) – Qaraar ay ansixiyeen golaha Kongreska Mareykanka oo lagu soo afjari lahaa taageerada Mareykanka uu u fidiyo isbahaysiga uu Sacuudiga hogaamiyo ee Yemen ka dagaalamaya ayaa waxaa diiday oo codka diimada qayaxan ku horistaagay madaxwayne Trump.

Xiriirka aadka u dhaw ee uu madaxwayne Trump la leeyahay boqortooyada Sacuudiga ayaa waxaa walaac ka muujiyay qaar ka mid ah xubnaha koongreska Mareykanka.

Mareykanka ayaa balaayiin doolar oo taagero hub ah siiya isbahaysiga Sacuudigu hogaamiyo ee Yemen kula tagaalamaya kooxda Xuutiyinta Yemen ee ay Iiraan taageerto.

Balse Kongreska Mareykanka ayaa waxaa ay walaac ka muujiyeen kumanaanka qofka ee rayidka ee ku dhintay duqaymaha cirka tan iyo intii uu dagaalka bilaabmay 4 sano ka hor.

Todobaadyadii aanu soo dhaafnay qaraaro lagu xaddidayo awoodda madaxwaynaha uu ku diri karo ciidamo ayaa waxaa ansaxiyay labada aqal ee Congreska iyo golaha wakiilada.

Madaxwayne Trump - oo isaga lagu dhaliilay in uu ku guuldaraystay in uu cambaareeyo dilkii Jamal Khashoggi bishii October - ayaa ahayd mid la filayay in uu codka diidamada qayaxan ku diido qaraaradan ka dhanka ah Sacuudiga.

Bayaan uu soo saaray madaxwaynaha ayuu ku tilmaamay arrintan 'mid aan loo baahnayn oo halis ah'iyo isku day lagu doonayo in lagu xaddido awoodiisa dastuuriga.

Isabahaysiga uu Sacuudiga hogaamiyo ayaa lagu eedeeyay in ay dambiyo ka gaysteen dalka Yemen tan iyo intii ay halkaasi ka bilaabeen howlgalada ka dhanka ah kooxda Xuutiyiinta.

Waxaa tan iyo xilligaasi socday cadaadisa lagu hayay dalalka dhanka militariga ka taageera Sacuudiga ee uu Mareykanka ka mid yahay oo loogu baaqayay in taageeradooda ay soo afjaraan.

Cadaadis kan la mid ah ayaa waxa horey loo saaray dowladda Britain oo kooxaha u dooda xuquuqda aadanaha ay ugu baaqayeen in la joojiyo hubka Sacuudiga laga iibiyo.

Dagaalka yemen ayaa tan iyo intii uu billaabmay 4 sano ka hor waxaa ku dhintay kumannan qof oo rayid ah,waxaana ku barakacay kumannaan kale.

Xigasho BBC 

 

 







Click here
4/17/2019 12:23 PM EST
Arbaco, April, 17, 2019 (HOL)– Dowladda Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay maanta magaalada Muqdisho ku soo bandhigtay ciidamada gaarka ah ee ka hortaga rabshadaha iyo dibadbaxyada, iyadoo dhan kalana maalinta berri ah laga cabsi qabo dibadbax ballaaran oo ka dhaca magaalada Muqdisho.

4/17/2019 11:57 AM EST
Arbaco, April, 17, 2019 (HOL)– Waxaa Magaalada Muqdisho ku soo gaba-gaboobey Kulanka Wadatashiga Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada (WBIT) ee heer federal iyo Wasaaraddaha Boostada iyo Isgaarsiinta ee Dowlad-goboleedyada, kaasoo ka socday magaalada Muqdisho intii u dhexeysay 16ka illaa 18ka Abriil 2019ka.

4/17/2019 10:50 AM EST
Arbaco, April, 17, 2019 (HOL)– Wasiirka wasaaradda Biyaha Somaliland Saleebaan Yuusuf Cali Koore iyo wefti uu hogaaminayo oo soo gaadhey magaalada Laascaanood ayaa sheegay in ay qorshaysay xukuumafiisu in biyo nadiifa magaalada loo helo.

4/17/2019 10:29 AM EST
Arbaco, April, 17, 2019 (HOL)– Taliya Kuxigeenka Booliska Jen. Zakiya Xusseen Axmed ayaa qoraal ay soo saartay kaga hadashay qaraxa iyo khasaaraha uu sababay, waxaana ay xustay in gaariga qarxay uu ahaa Toyota Harier oo la dhigay maqaayad horteeda uu qarxay.

4/17/2019 8:43 AM EST
Arbaco, April, 17, 2019 (HOL)– Qarax ayaa goor dhaw ka dhacay goob maxaaqi ah oo laga cuteeyo degmada Waabari ee gobolka Banaadir gaar ahaan agagaarka saldhiga degmada, waxaana uu qaraxani noqonayaa kii labaad oo isla maanta ka dhaca magaalada Muqdisho.

4/17/2019 7:51 AM EST
Arbaco, April, 17, 2019 (HOL)–Maxkamada gobolkan Banaadir ayaa Maanta waxaa la horkeenay 7 ruux oo ku eedeysan dilkii iyo gubidii Bishii Setember ee sanadkii 2018 Magalada Muqdisho loogu geystay Marxuum la oran jiray Axmed Mukhtaar Dowlo.

4/17/2019 7:40 AM EST
Arbaco, April, 17, 2019 (HOL)– Madaxweynaha xilka laga tuuray ee dalka Sudan, Cumar Xasan Al-Bashiri ayaa talaadadii loo wareejiyey xabsiga Kobar ee magaalada Khartoum, sida ay laba xubnood oo qoyskiisa ka tirsan u sheegeen wakaaladda wararka ee Reuters.

4/17/2019 5:56 AM EST
Arbaco, April, 17, 2019 (HOL)–Siyaasiga Salaad Cali Jeelle oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in madaxtooyada Soomaaliya ka war heyso sida uu hadalka u dhigay dibadbaxyo waaweyn oo ay qabanqaabinayaan siyaasiyiinta mucaaradka iyo xisbiyada qaarkood.

4/17/2019 3:32 AM EST
Arbaco, April, 17, 2019 (HOL) –Qaraxan oo laga maqlay qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho ayaa goor dhaw ka dhacay Waddada Maka Al-Murama ee magaalada Muqdisho gaar ahaan isgoyska Shaqaalaha halka lagu magacaabo Xaaji Baasto.

4/17/2019 12:47 AM EST
Arbaco, April, 17, 2019 (HOL)–Mudanayaasha Golaha Shacabka ayaa maanta oo Arbaco ah lagu wadaa in ay kulankoodii caadiga ahaa ku yeeshaan xarunta Golaha Shacabka, iyaga oo uga dooddi doona labo ajande.

4/17/2019 12:29 AM EST
Arbaco, April, 17, 2019 (HOL)–Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa ugu danbeyntii toogasho ku dilay Nin sida la sheegay in xalay Bam gacameed ku weeraray saldhig ciidamada dowladda ay ku leeyihiin degmada Wardhiigley.