4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Apr 16, 2019
Taliska Booliiska oo faah faahin ka bixiyay hub ay soo qabteen ciidamada dowladda

 

Talaado, April, 16, 2019 (HOL)–Taliye Ku-xiggeenka ciidamada Booliska Soomaaliyeed Sarreeye guuto Zakiya Xuseen Axmed oo shir jaraa’id ku qabatay magaaladda Muqdisho, ayaa warbaahinta sharaxaad ka siisay howlgalada amniga lagu sugayo ee ciidamada ammaanka ay ka wadaan Muqdisho.

Gen. Zakiya ayaa sheegtay in ciidamada amniga ay ku guuleysteen in miinooyin aad u culus oo nooca Taangiga ah ay ka soo saaraan hareeraha waddada xiriirisa Muqdisho iyo Afgooye.

Taliye ku-xiggeenka ciidamada Booliska Soomaaliyeed ayaa sidoo kale sheegtay in ciidamada Amaanka ay gacanta ku hayaan 16 ruux oo lagu tuhmayo Al-shabaab in ay ka tirsan yihiin iyo xubin ka tirsan isla Ururka oo isaggoo falal amni darro ku howlan gacanta lagu soo dhigay, waxaana ay xustay in raggaan ay baaris ku socoto, dibna ay kasoo sheegi doonaan natiijada.

Bulshada ayeey ugu baaqday ugu danbeeyntii in ay gacan siiyaan lamaha Amniga si looga adkaado ayeey tiri kuwa carqalada ku ah nabad-galyada.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]