3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Apr 16, 2019
Shirka wada-tashiga Wasaaradaha Boostada federaalka iyo dawlad-goboleedyada oo maanta Muqdisho ka furmay

 

Talaado, April, 16, 2019 (HOL) – Shirka wada-tashiga wasaaradaha boostada iyo isgaarsiinta ee federaalka iyo dawlad-goboleedyada ayaa maanta ka furmay magaalada Muqdisho.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Boostada, Md. C/casiis Duwane Isaaq, oo soo dhoweeyay ka-soo-qeybgalayaasha ayaa sheegay in shirkan oo ah kii 3aad ee ay isugu yimaadaan wasaaradahan looga hadli doono ajandayaal ay ka mid yihiin waxqabadkii wasaaradaha ee heer federaal iyo heer dawlad-goboleed, in laga tashado waxyaabaha ay ka wada shaqeyn karaan wasaaradaha, sidoo kalena in la soo bandhigo waxqabadka Mashruucii Taakuleynta ICT iyo sida loogu diyaar garoobi karo wajiyada kale ee soo socda mustaqbalka.

Wasiirrada Boostada iyo Isgaarsiinta ee Puntland, Jubbaland, Koonfur Galbeed, GalMudug, iyo HirShabeelle oo hadallo kooban jeediyay ayaa sheegay inay aad ugu faraxsan yihiin inay ka soo qeyb galaan kulankan, iyagoo ballanqaaday inay diyaar u yihiin wada-shaqeyn ballaaran dhex marta wasaaradaha heer dawlad-goboleed iyo heer federaalba.

Senator Deeqa Xasan Xuseen oo mataleysay Guddiga qaabilsan isgaarsiinta ee Golaha Aqalka Sare ayaa sheegtay inay aad u soo dhoweynayso ka-qeybgalka kulamada noocan oo kale ah maadaama ay yihiin aqalkii wakiilka ka ahaa dawlad-goboleedyada.

Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada, Md. C/laahi Bile Nuur, ayaa sheegay in Wasaaraddu ku xisaabtameyso talada iyo taageerada wasaaradaha dawlad-goboleedyada si horumarka la gaaray loo sii kordhiyo, isagoo ka rajeeyay in 5ta wasiir ee ka socota dawlad-goboleedyada oo dhammaantood cusub ay dardar cusub ku soo kordhin doonaan hawlaha horyaalla wasaaradaha.

Wasiirka Boostada, Isgaarsiinta & Teknolojiyada, Eng. Cabdi Cashuur Xasan, ayaa si faahfaahsan uga hadlay waxyaabihii u qabsoomay wasaaradda labadii sano ee la soo dhaafay oo ay ugu waaweynaayeen ansixinta Sharciga Isgaarsiinta, dhismaha Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka, soo-celinta Astaantii dotSO, soo-celinta xubinnimadii ITU iyo UPU, iyadoo hawlaha socda ay ugu waaweyn yihiin soo-nooleynta boostada, dib-u-dhiska machadka, isku-xirka shirkadaha isgaarsiinta, dajinta siyaasadda qaran ee isgaarsiinta qaranka iyo soo-celinta hantidii ma-guurtada ee Wasaaradda, iyo hawlo kale.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in wasaaraddu soo bandhigi doonto qorshayaal wasaaraddu ku baahineyso hawlaheeda, lalana kaashanayo wasaaradaha heer dawlad-goboleed si adeegyada ay wasaaraddu bixiso ay u gaaraan dalka oo dhan.

Ugu dambeyntii, wasiirka ayaa u mahadceliyay dhammaan ka-soo-qeybgalayaasha shirka oo ay ugu horreeyaan wasiirrada dawlad-goboleedyada iyo wafdigooda oo shaqooyinkooda muhiimka ah ka soo tagay; mas’uuliyiinta Mashruuca Taakuleynta Isgaarsiinta oo fududeeyay shirkan iyo hawlo badan oo ay wasaaraddu qabatay sanadihii la soo dhaafay iyo Ururka Jaamacadaha ee Somali REN,” ayuu hadalkiisa ku soo gabagabeeyay Wasiirku.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]

 
 













Click here
4/16/2019 1:34 PM EST
Talaado, April, 16, 2019 (HOL)–Taliye Ku-xiggeenka ciidamada Booliska Soomaaliyeed Sarreeye guuto Zakiya Xuseen Axmed oo shir jaraa’id ku qabatay magaaladda Muqdisho, ayaa warbaahinta sharaxaad ka siisay howlgalada amniga lagu sugayo ee ciidamada ammaanka ay ka wadaan Muqdisho.

4/16/2019 9:02 AM EST
Talaado, April, 16, 2019 (HOL) –Maamulka Hirshabelle cabasho xooggan keenay habka loo qayb-saday Dhaqaalaha loogu talo galay ka hortagga masiibooyinka, islamarkaana Hirshabelle saami aad u yar laga siiyay, ayaa mas’uuliyiinta Hirshabelle, waxaa ay sheegeen haddii dowladda aysan wax ka qaban cabashadaasi in ay qaadayaan tallaabooyin.

4/16/2019 7:44 AM EST
Talaado, April, 16, 2019 (HOL)–Xisbiga mucaaradka ah ee WADANI ayaa ka hadlay Mawqifka xisbiga ee arrimaha doorashooyinka, cabashada ka taaggan dhulka laga dhisayo madaxtooyada cusub iyo hoos u dhaca Doollarka ee aanay la jaanqaadin maceeshaddu.

4/16/2019 7:40 AM EST
Talaado, April, 16, 2019 (HOL)–Xaflad uu xilka kula wareegayay Wasiirka cusub ee Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee XFS ayaa maanta ka dhacaday xarunta Wasaaradda.

4/16/2019 5:14 AM EST
Talaado, April, 16, 2019 (HOL) – Madaxweynaha Puntland ,Siciid Cabdullaahi Deni ayaa la kulmay jaaliyadda Puntland ee Imaaraadka Carabta. Munaasabaddan ayaa waxa kasoo qayb galay masuuliyiin ka tirsan Golaha xukuumadda Dowladda Puntland, qunsulka Soomaliya u fadhiya Imaaraadka, Maamulka Jaaliyadda Puntland ee Imaaraadka, Siyaasiyiin xilal kala duwan kasoo qabtay Puntland iyo Jaaliyadda Puntland ee Imaaraadka.

4/16/2019 3:19 AM EST
Talaado, April, 16, 2019 (HOL) –Shirkadda Turkish Airline ayaa u balanqaaday dowladda Somaaliya in ay tababar siin doonto duuliyayaal cusub oo loo qaadan doono shirkaddaha diyaarada Somali Airline iyadoo dhanka kalana tababar kooban Refreshment ah la siin doono qaar ka mid ah duuliyayaashii hore shirkadda.

4/16/2019 2:45 AM EST
Talaado, April, 16, 2019 (HOL)–Wararka ka imanaya dalka Koonfur Africa ayaa sheegaya in xalay koox burcad ah ku dishay magaalada King Willaims Ganacsade Soomaaliyeed oo lagu magacaabi jiray Mukhtaar Cumar.

4/16/2019 12:57 AM EST
Talaado, April, 16, 2019 (HOL)–Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo xalay booqday xarunta taliska Booliiska Soomaaliyeed ayaa kulan gaar ah halkaa kula yeeshay saraakiisha ciidamada booliiska.

4/16/2019 12:39 AM EST
Talaado, April, 16, 2019 (HOL)–Ugu yaraan siddeed ruux ayaa dhimatay kuwo kale oo badanna way dhaawacmeen ka dib markii ay dabayl xoog badan iyo roobab mahiigaanno ah ku dhufteen dhawr gobol oo koonfurta Maraykanka ku yaalla.

4/16/2019 12:34 AM EST
Talaado, April, 16, 2019 (HOL) – Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya duqeyn lagu dilay ku-xigeenka Ururka Daacish ee dalka Soomaaliya Cabdixakiin Dhocob, waxaana dilkan faah faahin dheeraad ah ka bixiyay taliska Mareykanka ee Africom,.