4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Apr 16, 2019
Xisbiga WADDANI oo ka hadlay xaalada guud ee Somaliland ka jirta iyo dhaliilo uu usoo jeediyey xukuumadda

 

Talaado, April, 16, 2019 (HOL) – Xisbiga mucaaradka ah ee WADANI ayaa ka hadlay Mawqifka xisbiga ee arrimaha doorashooyinka, cabashada ka taaggan dhulka laga dhisayo madaxtooyada cusub iyo hoos u dhaca Doollarka ee aanay la jaanqaadin maceeshaddu.

Afhayeenka xisbiga WADANNI Barkhad Jaamac Batuun ayaa sheegay in dimuqraadiyadii iyo doorashooyinkii Somaliland dunida ka iibin jirtay meesha ka baxayo, waxaanu ku dhaliilay xukuumadda siday wax u wadaan.

“Somaliland warshado ma hayso alaabo ka soo baxdo oo ay Dunida ka iibiso, Dunida ayaynu citiraaf ka raadina waxaynu citiraafka ku raadina dal dimuqraadiya oo doorashooyin ka dhacaan baanu nahay. Doorashadaasi waxay dunida ka iibisa iyo deeq bixiyeyaasha inaga taageera doorashada in aynu dal dimuqraaddiya nahay. Waxa muuqata muddadan labada sanno ee xukuumadda Muuse sanka la sii galayso in rajadii doorashada laga qabay meesha ka sii baxayso oo nidaam kale oo aan dimuqraadi ahayn dalku galayo, anagu WADDANI ahaan goobta aanu taagan nahay waa in doorasho dalka ka dhacdo,”ayuu yidhi Barkhad Batuun.

“Doodayada Waddani ee doorashadu waxa weeye haddii Madaxweynenimadii, maaliyaddii dalka, maamulkiisii iyo Militarigiisii aanu Muuse Biixi nidhi madaxweyne noogu noqo si doorasho dalka uga dhacdo dadka inoo xaqsooraya ee Komishanka doorashooyinka ah si caddaalad ah inoogu qaybi taas ayuuna madaxweynuhu diidan yahay.”ayuu raaciyey hadalkiisa.

Xisbiga WADANI waxa uu ka hadlay cabasho ka timid dhul xukuumaddu ay doonayso inay ka dhisto madaxtooyo cusub, taas oo odayaal reer Hargeysi ahi sheegteen dhulkaasi inay iyagu leeyihiin.

“Madaxweyne sooyaalkaaga taariikheed intii aanad jagada madaxweyne Iman waxa hore suuqa ugu jirtay in aad dad beero isku haysateen 20 sannadood, adiga oo laba sanno madaxweyne ahna waxa la leeyahay beer bay qolo isku haystaan. Haybadda iyo sharafta dawladnimo uma qurux badna, xasaanadda aad Qaranka afarta milyan ee qof ah ku metelaysana uma qurux badna arrinta madaxweyne hoos u eeg oo dhiilladeedu mar dambe yaanay soo bixin oo haddii aad Qaranka qurxinayso waa in wada jir iyo tanaasul dhankaaga ka yimaaddo si Qarankani u taabbo galo hoggaamintaada iyo haybaddaadu u soo baxdo waxyaabaha soke ee mar kasta fadeexadda ku ah haybadda Qarannimo in aad ka dheeraato taladaas ayaanu xisbi ahaan kuu soo jeedinayna,” ayuu yidhi Barkhad.

Waxa kale oo uu xukuumadda ugu baaqay in ay dejiso siyaasad isu dheelli tiraysa hoos u dhacay ku yimid Doollarka iyo Sicir bararka oo wali taaggan “Cisbitaalkii caasimadda oo labaatan tallaabo u jira madaxtooyada aad shirka golahaaga wasiirrada kula gasho oo wasiirradaada kuwa xanuunsada aanay isku aamminayn in maanta haddana la yidhaahdo $432,000 oo dollar oo dayn ah ayuu ku jira cisbitaalkii dawladdu oo wuu dumaya”.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland.