4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Apr 16, 2019
Turkiga oo duuliyayaal cusub u tababaraya shirkadda Somalia Airlines

 

Talaado, April, 16, 2019 (HOL) –Shirkadda Turkish Airline ayaa u balanqaaday dowladda Somaaliya in ay tababar siin doonto duuliyayaal cusub oo loo qaadan doono shirkadda diyaaradaha Somali Airlines iyadoo dhanka kalana tababar kooban (Refreshment) ah la siin doono qaar ka mid ah duuliyayaashii hore ee shirkaddii Somali Airlines.

Maareeye ku-xigeenka garoonka Adan Cadde, Capt. Ceydaruus Axmed Kaahiye oo la hadlay Hiiraan Online kuna matalayay dowladda Soomaaliya gaar ahaan Wasaarradda Gaadiidka iyo duulista hawadda ayaa sheegay in sharikadda Turkish Airlines ay balanqaaday tababarka duuliyayaal cusub oo loo qaadanayo shirkadda Somali Arilines kaa oo socon doona muddo labo sano ah,  waxaa tababarka qeyb ka noqondoona gargaarayaasha diyaaradda (Air hostess). 

Sidoo kale waxaa uu sheegay in muddo kooban tababar Refreshment la sii doono qaar ka mid ah duliyayaashii hore ee shirkadda.

Duuliyayaasha cusub ee la soo tababarayo ayuu sheegay Capt. Ceydaruus in laga soo xuli doono guud ahaan dalka Soomaaliya.

Arrintan ayaa ka danbeysay kaddib codsi ka yimid Wasaarradda Gaadiidka iyo Duulista hawadda dowladda Soomaaliya oo muddooyinkii ugu danbeeyayba ku howlaneyd sidii dib loogu soo celin lahaa adeegii shirkadda Somalia Ariline oo meesha ka baxday tan iyo wixii ka danbeeyay sanadkii 1991-kii.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]