Mareykanka oo faah faahin dheeraad ah ka bixiyay duqeyn lagu dilay sarkaal ka tirsan Daacish
Talaado, April, 16, 2019 (HOL) – Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo
baxaya duqeyn lagu dilay ku-xigeenka Ururka Daacish ee dalka Soomaaliya
Cabdixakiin Dhocob, waxaana dilkan faah faahin dheeraad ah ka bixiyay taliska
Mareykanka ee Africom,.
Qoraal ka soo baxay taliska Mareykanka ee Qaarada Africa ayaa lagu
sheegay in 14-kii Bishaan duqeyn dhinaca cirka ah ay la beegsadeen gaari
uu sarnaa hoggaamiye ku-xigeenkii labaad ee Daacish-ta Soomaaliya oo marayay deegaanka Xiriiro ee gobolka Bari.
Taliska ayaa sidoo kale sheegay in sarkaalkan uu
ahaa shaqsiga soo abaabula weerarrada ka dhaca deegaanada Puntland.
“Waxaan sidii wadeynaa taageerada aan siino Soomaaliya ee dhinacyada
Ammaanka,Dhaqaalaha iyo horumarinta,waxaana kordhineynaa weerarada aan la
beegsano Xarumaha Kooxda Daacish si ay u yaraato awoodooda,waxana
bartilmaamedsan doonaa kuwa fuliya weerarada xagjirnimada ayuu yiri Agaasimaha
dhinaca Ammaanka Mareykanka u qaabilsan Qaarada Afrika Gen. Gregg Olson.
Mareykanka ayaa kordhiyey duqeymaha dhinaca cirka
ah oo uu ka fuliyo Soomaaliya,kuwaas oo uu la beegsado xarumaha Al-Shabaab iyo
kooxda Daacish,waxaana todobaadyo ka hor madaxweynaha Mareykanka uu saxiixay
mudo kordhin loo sameynayo ciidamada Mareykanka ee ka howlgalla Soomaaliya.
C/raxmaan Diini,
Hiiraan Online
[email protected]